Markii Sadexaad oo Madaxweynaha Turkiga Ordogen Booqasho ku Tegayo Magaalada Muqdisho

Muqdisho 01.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Raceb Tayeb Ordogen ayaa la filayaa inuu maalinta jimcaha booqashadiisii saddexaad  ku yimaado caasimada dalka somaliya ee Muqdisho. Madaxwayne Ordogan waxaa kale oo uu safarkiisa ku tagayaa wadamada Kenya iyo Uganda kuwaasi oo u kala hadlayo xidhiidhka dawlada Turkiga iyo wadamadaasi. Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa…

Read More

Somaliland: Todobaad Gudihii oo Xukuumadu Xabsiga u Taxaabtay 5 Wariye Iyo Walaaca Ururka Solja

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareynayo xadhig sharci darro ah oo aanay maxkamadi amrin oo ciidanka boolisku magaalada Laascaanood xabsiga ugu taxaabeen wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka tirsan telefishanka Kalsan. War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan “Ururka…

Read More

DAAWO: Madaxweynaha Ciraaq oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Somalia ee Dalkaasi

Baqdaad,31,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka hor intii…

Read More

Wasiirka Qorshaynta Oo Difaacay Heshiiska Dekedda

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), ayaa wuxuu ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Xukuumadda Dawladda Imaraadka la soo gashay, waxaanu sheegay in heshiiskani aanu Dekadda oo qudha ku koobnayn ee uu siddeed qodob ka koobnaa, waxaanu jawaab kooban ka bixiyey xogaha ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ee…

Read More

Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Furantay Iyo Cambaaraynta Xadhiga Guddoomiyaha Foore

Hargeysa ,31,5,2016(QJ/SDN) – Waxa shalay maxkamadda gobalka Hargeysa ka bilaabantay dhagaysiga dacwadda guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar. Labadan saxafi ayay dawladda Somaliland ku eedaysay faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aanay sharci u haysan, eedahaas oo ay labada saxafi gebi ahaanba beeniyeen. Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa dacwadan…

Read More

Qaramadda Midoobay Oo Markii Ugu Horraysay Ka Marag Kacday Qabsoomida Lix Doorasho Oo Ka Hirgelay Somaliland

Hargaysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Qarmadda Middoobay, ayaa markii u horaysay ka marag kacday horumarka ay Somaliland intii ay xoriyaddeeda kala soo noqotay wixii Somalia laysku odhan jiray Somalia, Islamarkaana waxay sheegtay in mudo 25 sanno Somaliland ka qabsoomeen lix doorasho oo kala duwan., Uqaabilsannaha Qaramadd Midoobay ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr  Michael Keating, ayaa warbixintiisa…

Read More

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Wakhtiga Cusub Ee Loo Muddeeyay Inay Dib U Furmaan

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo mudaysnaa inay Turkiga ka qabsoomaan 30 iyo 31 May ayaa dib uga dhacay wakhtigaas loo qorsheeyay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wada hadaladu dib uga dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay qabsoomaan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in dib u dhaca…

Read More

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshe Soomaaliya Ku Doonayso In Mustaqbalka Lagu Mideeyo Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Iyo Sababta Isku Beegtay Sannadkan

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaatay Hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Sannadka Dambe ee 2017-ka la mideynayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa Maalintii Sabtidii Gobollada Soomaaliya laga bilaabay Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe, kaasi oo xilliga loo dareeray…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargaysa ka Furay Kulan Lagu Gorfaynayo Xeerka Qabyo Qoraalka Siyaasada Dhulka DAAWO

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Furay Kulan lagaga Hadlayo Xeerka qabyo qoraalka Siyaasada Guud ee Dhulka. Kulankan Waxaa ka Qayb galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka, Maayaro,Iyo Xubno kale oo lagu Casuumay

Read More

Shir lagaga Hadlayo Kor u qaadida Awooda Baarlamaanka Somaliland oo ka Socda Nairobi DAAWO

Nairobi 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo ka Socda Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Isla markaana uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Socdaal Shaqo ku tegay Xarunta Waddanka Kenya ee Magaalada Nairobi. Xubnahan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa…

Read More

Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada 4aad iyo 8aad oo Goobaha Qaar la xidhay Imtixaankii oo Socda Isku dhac dhex Maray Ardayda,Macalimiinta iyo Ciidanka Ilaaladda DAAWO

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland ayaa ka warbixiyay imtixaanka shahaadiga ee ka socda somaliland. Guddoomiye Daa’uud Gadhwayne waxaa uu sheegay in shaqaaqooyin ay ka dhaceen Goobo lagu galiyay Imtixaanka Shahaadiga isagoo sheegay in macalimiinta qaar ay ardeydii siinayaan qishka imtixaanka oo ay goobana ka bilaabeen dagaal. Guddoomiye Daa’uud waxaa kale oo uu…

Read More

“Haddii sidan ay ku sii socoto oo la isku joojin waayo waxaanu si toos ah umadda ugu sheegi doonnaa cidda awooda dalka Ku tagri fashay” La Taliyihii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo horena u ahaa la taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa Cambaareeyay Xadhig Ciidammada Sirdoonka ee Gobolka Maroodi-jeex kula kaceen Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-bannaan ee Foore Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Telefiishanka Bulsho Cabdi Xasan Cabdi.  …

Read More

Wargeyska The National Business Oo Sheegay In Noqotay  Dalkii 8-aad Ee Afrikaan Ah  Ee Ay Ka Hawl-gasho DP World

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wargeyska The National Business oo ka soo baxa dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa shalay warbixin ka qoray heshiiska is-faham ee lagu casriyaynayo marsadda Berbera oo lagu wado inay noqoto marin ganacsi iyo dekad caalamiya oo ay horaantii bishan May 2016 kala saxeexdeen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World ee…

Read More

Hablo Jaariyado ka ahaan Jiray Qasriyo Boqortooyo oo Markii danbe Boqoro la Ixtiraamo Noqday Waa (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Taariikhda aadamaha ee is dabo socotaa waxay daaha ka qaadaysaa qisooyin ku saabsan hablo jaariyad ahaan ku soo galay qasriyada boqortooyada kuwaasoo markii dambena iyagu boqorado ka noqday qasriyadaasi, waxana aan barnaamijkan idiinku soo gudbinaynaa jaariyadihii ay u suurogashay inay ku fadhiistaan taaj-ka boqortooyada. https://www.youtube.com/watch?v=EMySPC5WOSg&feature=youtu.be

Read More

Laba Mudane oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa oo Jawaab ka Bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Xildhibaan Xasan Cawaale DAAWO

Hargaysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xasan Shahar iyo Mawliid Cabdi Malow oo ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa ka jawaabay hadal uu doraad sheegay Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada isla markaana sheegay inaanu Murashax Muuse Biixi Cabdi ku soo baxayn doorashada soo socota inta uu Madaxweyne ku…

Read More