Wax Ka Beddel Lagu Sameeyay Xeerka Diwaangelinta Iyo Guddoomiye CIRRO Oo Sheegay Inaanu Jirin Wer-wer Laga Qabo Dib-U-Dhac Doorasho
Hargeysa, 19 April, 2016-(SDN/QJ): – Golaha Wakiilada ee Somaliland, ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah xeerka doorashooyinka Somaliland ee 2017-ka ka dhici doonta dalka. Xeerka wax laga beddalay ayaa ah in Guddiga Doorashadu ay soo saaraan liiska Kama Dambeysta ee cod-bixiyeyaasha lix bilood ka hor xilliga doorashadu dhacayso, waxaana lagu beddelay…
