Xisbiga WADDANI oo Xus Baroor-diiq Ah u Sameeyey Dhallinyartii Ku Geeriyooday Badda u Dhaxeysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga+SAWIRO

Hargaysa, 21 April, 2016-(SDN/QJ): – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta xus baroor-diiq ah oo ay ku muujinaayeen sida ay xisbi ahaan uga xun yihiin dhallinyartii reer Somaliland ee maalmo ka hor ku le’day badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga. Xuskan oo ay soo qaban-qaabiyeen garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI, ka…

Read More

Daawo:- Musuq-maasuqa Ay Midowga Yurub Ka Wadaan Soomaaliya Oo La Kashifay

London, 21,4,2016 (QJ/SDN) – Shaqaalaha Midawga Yurub waxay sheegaan in ay Soomaalida siiyaan malaayiin lacag ah, Soomaaliduna musuqmaasuq badanyihiin, ayna maamuli karin ‘gargaarka’ loogu deeqo. Laakiin, maqaal uu soo saaray wargeyska Le Monde wuxuu sheegay in mashruucyada EU-da ee Soomaaliya ay ka jiraan eedaymo mususqmaasuq iyo laaluush – lacagna lagu kala qaato Brussels. Haddaba, Halkan…

Read More

Xusuusta Khudbadihii Madaxweyne Siilaanyo Jeedin Jiray Xilliyadii Mucaaradka Ee Wax U Qabashada Dhallinyarada Iyo Xaalada Maanta

Hargeysa, 21,4,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay shacabka Somaliland ku jiraan maalmo murugo leh oo ka dhashay dhallinyarada boqolaalka gaadhaysa ee reer Somaliland ee toddobaad ka hor ku geeriyooday doon ay ku tahriibayeen oo ay ka raaceen dalka Masar, ayaa waxa xusid mudan in la xasuusto weedho u Madaxweyne Siilaanyo ku galay ololaha doorashada oo uu…

Read More

DHAGEYSO: “Maalintay Lahaayeen CIIDAGALE Riigbaa nalaga kaxeeyay 5 qof ayaa ku dhintay, Maantana Ragga qaar kood ayaa kasoo horjeeda’’

Hargeysa, 21,4,2016 (QJ/SDN) – Wasiir hore Aadan Dhoolayare oo maanta ka hadlayay munaasibad lagula kala wareegayay Riig la sheegay in biyo lagaga soo saari doono deegaanka Qool-caday ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Qool-caday ay horay ugu dagaallantay in Riig loo keeno, balse maanta ay qaarkood kasoo horjeedaan, sida uu sheegay. Haddaba, Halkan hoose ka dhagayso…

Read More

“Hadii Faysal iyo Jamaal Is ogolyihiin, Anna waanu is ogolnahay Labadaba ee ha baqanina” Cali Guray

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)ayaa ka dareen celiyay hadalkii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegay inaanu khilaaf ka jirin Xisbiga oo ay Is ogolyihiin Musharax Jamaal Cali Xuseen. Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in aanu wax khilaaf ahi ka dhaxeyn isaga iyo Jamaal Cali Xuseen, Balse Mujaahid Cali Gurey ayaa…

Read More

Wasiirka khayraadka Biyaha Somaliland Oo Olole Uu Qadiyadda Somaliland Ku Iib-geynayo ka Bilaabay Degmadda Xudun Iyo soo dhawayn uu Kala Kulmay Ceerigaabo DAAWO

Xudun 21 April, 2016-(SDN/QJ): –Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac oo maalmihiiu dambeeyay socdaal shaqo ku marayay gobollada bariga dalka, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay madaxdhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka degmada Xudun ee gobolka Sool. Kulankan uu Wasiirka khayrkaadka biyuhu la yeeshay madax-dhaqameedka degmada Xudun ayaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha…

Read More

Dhallinyaradii ka Badbaaday Doontii Qaraqantay oo Muuqaalo ay iska soo duubeen ku faahfaahiyey Siduu Shilku u dhacay DAAWO

London, 21 April, 2016-(SDN/QJ): – Waxaa Weli aad looga hadal hayaa Degelada ay degaan Bulshada Somalidu dhacdadii Naxdinta lahayd ee Ka dhalatay Doontii ku qarqoontay Bada u dhaxaysa Wadamada Masar iyo Talyaaniga oo ay ku Naf waayeen dhallinyaro aad u badan. Geesta kale Tirada Yar ee Soomaalida ka badbaaday Masiibadaas oo ku Sugan Jasiirad ku…

Read More

Wiil Reer Hargeysa Ah Oo Geeri Lagu Tirinayey Kana Badbaaday Dadkii Badda Ku Le’day Dorrad Oo Qoyskiisa Lasoo Xidhiidhay

Greece , 21 April, 2016-(SDN/QJ): – 23 –Soomaali ah oo u badan oo reer Hargeysa ayaa nasiib u helay oo ka soo badbaaday Masiibada Doontii ku qarqoonta Biyaha badda u dhexeeya Dalalka Masar iyo Talyaniga,waxa soo hadlay mid ka mid ah Dhalinyaradii la shaaciyay inuu ku jiray Dad Doontaasi ku geeriyooday,waxaanay arintaasi aad uga farxisay…

Read More

Xukuumadda Talyaaniga oo Markii Kowaad ka Hadlay Masiibadii ka dhalatay Doontii Ku degtay bada Mediterranean Kuna Baaqday in Midowga Reer Yurub aanay Xadkooda Xidhin

Roma, 21 April, 2016-(SDN/QJ): – Dawladda Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in tahriibayaal badan ku geeriyoodeen Dooni ka soo baxday dhinaca Waddanka Masar, arrintaasoo ay ku sifeeyeen inay tahay masiibo xun oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto. Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mr….

Read More

Dawladda Jarmalka  Oo Caddeysay  Sababaha Baajiyey Booqashadii Wasiirkooda  Iskaashigu ku Iman Lahaa Somaliland

Berlin , 21 April, 2016-(SDN/QJ): –Dawladda dalka Jarmalka ayaa faahfaahin ka bixisay sababahii keenay inay baaqato socdaal hawleed Wasiirka Iskaashiga  Dhaqaalaha & Horumarintu Dr. Gerd Müller ku iman lahaa Somaliland horaantii bishan. Booqashada Wasiirka Jarmalka Dr. Muller oo hore xogtiisa  looga qariyey warbaahinta ayaa markii ay baaqatay oo warbaahinta gudaha qaarkood wax ka qoreen, ku…

Read More

Xildhibaan Rayte Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyeen Saami Qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gudida arrimaha gudaha ee golaha wakiiladda, xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa ka hadlay warbixin hordhac ah oo ay u gudbiyeen Madaxweynaha, taasoo nuxurkeedu yahay xog ururin ku saabsan saami qaybsigga kuraasta Baarlamaanka oo ay ka soo sameeyeen goboladda Somaliland, waxaanu sheegay in gole ahaan sugayaan wixii talo ah ee…

Read More

“Wasiirka Ciyaaraha Waxaan Xasuusinayaa, Waxa Na Xukuma Wasiir Kaa Tun-weyn Oo La Yidhaahdo…” Xasan-Shahar

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Xildhibaan Xasan-Shahar, ayaa Xildhibaan Saleebaan-Dogox ka difaacay eedaymo ay u jeediyeen Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, kuwaasi oo sheegay in Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa uu Xoog kula wareegay Garoon Kubadeed oo ku yaalla Degmada Axmed Dhagax. Xildhibaan Xasan-shahar…

Read More

Dallada Sonyo Oo Ku Baaqday Shirweyne Qaran Oo Laga Yeesho Aafada Qaran Ee Tahriibta

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa ku baaqday shirweyne qaran oo ay isugu yimaaddaan xukuumadda, golayaasha qaranka iyo xisbiyada dalku si looga arrinsado aafada tahriibta iyo dhimashada dhallinyaradii dalkan mustaqbalka u ahayd. Dalladda SONYO ayaa mar kale umadda reer Somaliland ka tacsiyeysay geerida naxdinta leh eek u timid dhallinyaradii dhawaan…

Read More

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Mujaahid Cali Gurey ku eedeeyay Laba wajiileyn uu ka dhex wado Musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Isaga

Hargeysa 20,April,2016(SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in isaga iyo musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaasi uu isku diray Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey). Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku dooday in Jamaal Cali Xuseen uu  Caban karo,  balse Mujaahid Cali gurey aanu waxba ku lahayn…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Codsaday In Muddo Kordhin Loo Sameeyo Guddida Ansixinta Axsaabta Siyaasadda, Markii Jamaal Cali Xuseen U Gudbiyey Dacwad Ka Ah Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 20, April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Golaha Wakiillada ka codsaday in Muddada ay shaqeynayaan loo Cusbooneysiiyo Guddida Ansixinta Axsaabta Qaranka iyo Hay’adda Maamul-Wanaagga. Qoraal Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada oo Shalay loo Akhriyey Mudaneyaasha Wakiillada, ayuu Madaxweynuhu ku codsaday in Muddo Kordhin loo sameeyo Guddiyada kala ah, Guddida…

Read More