Category: Wararkii ugu Dambeeyay
“Faysal Cali Waraabe Waxii Rag Iska Yeeli Jiray Ayaanu Iska Yeeli Doona,,“ Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa (QJ/SDN) – Jamaal Cali Xussen musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka jawaabay hadalo mar dhaweyd ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaana uu sheegay Jamaal Cali Xussen in gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta…
” Jamaal Cali Xussen Ma Aha Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid,,“ Faysal Cali Waraabe
Hargeysa (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo mar dhaweyd warbaahinta kula hadley Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi UCID. Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu sabab uga dhigay hadalkiisa isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey…
Warbixin Kaa Oohinaysa Ee Xaalada Abaaraha Ka Jira Somaliland Gaar ahaan Gobolada Galbeedka Somaliland DAAWO
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):- Weli waxaa dalkan Somaliland cadaadis aan la qiyaasi Karin ku haysa abaarta barraahsatay ee cidhif ka cidhif ka jirta, iyadoo meelaha ugu daran ay ka mid tahay xeebta waqooyi ee Somaliland .
Maxkamadda Gobolka M.Jeex Oo Mudaysay Dacwad Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso Oo Lagu Soo Oogay Wargeyska Ogaal AKHRI
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maalintii khamiista ahayd Mudaysay dacwad ka dhan ah wargeyska madaxabannaan ee Ogaal, isla markaana waxay maxkamaddu masuuliyiinta wargeyska ogaal ku wargelisay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadda loo haysto. Qoraal ka soo baxay maxkamadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka Shabakada Qurbejoog, oo uu ku…
“Waa Sharci Waanan Soo Dhaweynayaa In KULMIYE Laga Saaray Shan Xubnood” Xildhibaan Nac-nac
Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabadii xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood oo ka tirsanaan jiray xisbigaasi isla markaana ahaa Wasiirradii iska casilay xukuumadda dabo-yaaqadii sanadkii hore. Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo baxay xisbul xaakimka KULMIYE ee laga…
Siyaasi Yaasiin Fartoon oo Xilal kala Duwan ka soo qabtay Somaliland oo Si balaadhan Laascaanood loogu soo dhaweeyay DAAWO
Laascaanood 27,March,2016(SDN/QJ):-Siyaasi Yaasiin Maxamud Faratoon oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sool Mudo badana ku maqnaa dalka Dibadiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood. Siyaasiyi Yaasiin Faratoon Xiir ayaa Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii uu Hogaamin jiray Madaxweynihii Geeriyooday ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Cigaal isagoo Mudooyinkii ugu danbeeyayna ku noola dalka Ingiriiska.
Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday In Aan Dalka Laga Dhisi Karin Masaajid Danbe
Hargaysa 27,March,2016(SDN/QJ):-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka dhawaajiyay inaan masaajid dambe oo dalka laga dhisayaa jiri doonin ilaa wasaarada diinta iyo awqaaftu soo eegto goobta laga dhisayo. Isla markaana wuxuu sheegay in ogolaanso siiso cidda dhisanaysa masaajidka. Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay furitaanka…
Qaybo ka Mid ah Shacabka Gobolka Sanaag Oo dareen Cadho leh Ka Muujiyey Dacaayadaha Lagu Wiiqayo Dhismaha Waddada Cerigaabo DAAWO
Ceerigaabo 27,March,2016(SDN/QJ):- Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sanaaga Ayaa dareen Cadho leh Ka Muujiyey Dacaayadaha raqiiska ah ee ay shaqsiyaad gaar ah ay isku dayeyaan inay ku Wiiqaan Dhismaha Waddada Ceerigaabo.
Dawlada Shiinaha oo Faahfaahisay Qorshaha ay ka Damacsantahay Saldhig Milateri oo ay ka furatay Djabuuti
Djibouti 27,March,2016(SDN/QJ):-Dawlada wadanka Shiinaha ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha saldhigga shiinaha uu dhawaan ku yeeshay dalka Djibouti. Saldhiggaas oo ciidamada badda ee dalkaasi Shiinuhu ay ku yeesheen Djibouti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Shiinuhu ku yeesho meel ka baxsan dalkaasi. Shiinaha ayaa sheegay in saldhiggaas aanu uga dan lahayn isballaadhin dhanka…
Boon: Weerarka Uu Waraabuhu Ku Hayo Cunista Maydadka Gaajadda Iyo Haraadka U Dhimatay
Boon 27,March,2016(SDN/QJ):-Tuulda Boon ee ka tirsan gobolka Awdal, ayaa la sheegay in laga helay deegankeeda haweenay u dhimatay haraad, isla markaasna uu cunay Waraabe, oo lafihii, madaxii iyo dharkeedii oo kaliya laga helay goobta. Dadkii meesha u gurmaday ee indhahooda ku soo arkay maydka haweenayda uu waraabuhu cunay ayaa sheegay in sababta ay ugu malaynayaan…
Ninkii Kooxda Alshabaab u Qaabilsanaa Dilalka Suxufiyiinta oo laga Diiday Rafcaan inuu ka qaato Xukun Dil Toogasho oo lagu Xukumay
Muqdisho 27,March,2016(SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee ciidamada Soomaaliya ayaa tuurtay racfaan uu horkeenay Xasan Xanafi Xaaji oo hore loogu xukumay xukun dil ah. Xasan Xanafi Xaaji waxaa loo haystay in uu ku lug lahaa dilal hore loogu gaystay weriyayaal dhawra iyo in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Maxkamadda sare ee ciidmada Somaliya ayaa xukunkan gaadhtay kadib…
Waa Imisa Qadarka Lacageed Ee Shacbiga Awdal u Ururiyeen Dadweynaha Abaaruhu Hayaan?
Boorama 27.March 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay in ay hayaan qaadhaan ay ka soo ururiyeen ganacsatadda iyo dadweynaha gobolka Awdal. Waxaanu gudoomiyaha gobolka Awdal sheegay inuu gacanta ku hayo lacag dhan laba iyo sodonkun iyo shan boqol oo dollar iyo kun iyo konton kiish oo raashina si dhakhso ahna…
Xukuumadda Federaalka Itoobiya oo Gollaha Dhaqanka ee Oromada u balanqaaday inay Mag-dhaw ka siinayso dadkii ay ka Dishay
Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Xeer ilaalinta Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay xubno ka socda gollaha dhaqanka ee Oromada oo loo yaqaano Abba Gadas. Shirkan ayaa lagaga xaajooday rabshadahii dhawaan ka dhacay gobolka Oromada iyo guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalku marayo. Kaaliyaha gaarka ee ra’isulwasaaraha, Ewnetu Bilata, ayaa colka wararka…
Safiirka Somaliland u fadhiya Imaraadka Carabta oo ka hadlay mashaariicda dawlada AUE ka wado Somaliland iyo Arrimo kale
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):- Md. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin qorshe wadanka Imaaraadka Carabtu ku doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somaliland ka fuliyo, balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasada xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo, anniguna fuliyaheedii ugu ahay. Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil oo mudadii uu xilka hayey…
Axmed Madoobe “Gogosha Kismaayo uma Furna Jubbooyinka kaliya ee Soomaali ayey u furantahay” DHAGAYSO
Kismaayo 27.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa soo xiray shirkii ka socday degmada Kisamaayo kaas oo ahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha wadda dega gobolada Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoddobada lagu heshiiyey intii shirku uu socday aanu cid gaar ah xuquuq siin doonin ee uu dan u…
Interfaxenergy oo Shaki ka Muujisay Hirgalinta Mashruuca Gaas-ta Dabiiciga ee Kililka shanaad
Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Maraeegta wararka ee Interfaxenergy oo si gaar ah uga hadasha arrimaha shidaalka ayaa warbixin ka diyaarisay heshiis dhawaan dhaxmaray Itoobiya, Jabuuti iyo shirkad Shiine ah oo ruqsad loo siiyey in ay horumariso shidaalka jeexdin iyo Elaale ee ismaamulka Soomaalida. Shabakada ayaa tilmaantay in mashruucu u muuqdo mid socda kadib markii…
Xukuumadda Somalia Oo Masaarida U Ogolaatay Inay Ka Kaluumaystaan Badda Somaliland
Muqdisho 27.March 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somalia iyo dawladda Masar ayaa Magaalada Xamar ku kala saxeexday heshiis maraakiibta Masaarida u ogolaanaya inay ka kaluumaystaan biyahaa badda Cas ee Somaliland. Heshiiskan oo u dhigan sidii oo ay Somalia xukunto badda Cas ee Somaliland ayaa waxa dhinaca Masaarida u saxeexay Maxamad Fatxi Cismaan oo wasiirka Beeraha ee Masar…
Mas’uuliyiinta Al-shabab oo Gacan ka hadal ku dhex marayi Shir ay ku lahaayen Jilib
Jilib 27.March 2016 (SDN/QJ):- Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee gobalka Jubada dhexe ee waddanka Somaliya ayaa sheegaya in horjoogayaasha Al-shabab ay isku fahmi waayeen shir Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku lahaayeen Magaaladaasi. Gacan ka hadalka ayaa ka dhashay kadib markii uu isfahmi waa soo kala dhex galay horjoogaha dhinaca Maaliyadda u…
Suldaan dhawaan Xukuumadda Iyo Hogaanka Kulmiye u Cumaamadeen Saldanada Guud ee Beesha Subeer Awal oo Sheegay inuu is Casilay.
Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Warar Xog,ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska Qurbejoog ayaa sheegaya in ninkii loo cumaamaday sii hayaha saldanada beelaha Subeer Awal iyo inti ku xeernayd ay ka tanaasuleen hawshii lagu Maqaarsaaray. Is casilaada Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxman ayaa waxa ay ka danbaysay kadib markii qorshahii loo waday ay si ba,an ugu jawaab…
Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Digniin U Dirtay Ganacsato Dawooyin Dhacay Ku Qubatay Magaaladda
Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):-Xoghayaha dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa Axmed Maxamed C/laahi (Derajo), ayaa digniin adag u diray ganacsatadda iyo farmsiiyadda magaaladda Hargaysa oo uu sheegay in ay daawooyin dhacay ku daadiyeen meel magaaladda dhexdeeda ah. Axmed Derejo, waxa uu sheegay in daawooyinkaasi dhacay lagu daadiyay xaafadda Masalaha galbeed ee magaaladda magaaladda Hargaysa, taasi…
