Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.
Muqdisho, February 25, 2016 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed. Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa warbixin…
