Uncategorized

Ciidamada Amaanka Itoobiya oo xabsiga ku guray dad looga shakiyay argegixisonimo

Adis Ababa June 06, 2014(SDN/QJ)-Ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa hawlgalo ay qaadeen waxa ay ku soo qabqabteen dad ay sheegeen in ay qorsheynayeen in ay qaadaan weeraro argegixiso ah.

Dadkan la qabqabtay ayaa ay tiradooda ku sheegeen ciidamadu 25 ruux oo ku soo tababartay dalka Soomaaliya isla markaana ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Dadkan ayaa laga soo qabqabtay ayaa ku sugnaa magaalada Jimma oo 305 km u jirta caasimada dalkaas ee Adis Ababa.

Hawlgaladan ayaa yimi ka dib digniin ay Mareykanku ka soo saareen suurtogalnimda weeraro Shabaabku ka fuliyaan Itoobiya.

Itoobiya ayaa ciidamo la dagaalama Shabaabka u diray dalka Soomaaliya oo ay wadagaan xuduud dhererkeedu yahay 1600 oo km.

SDN/QJ-Adis Ababa

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com