|

Ciidamada Ammaanka Ethiopia Oo Xasbiga Dhigay Maareeyihii Hilton Hutel Addis Ababa Iyo Nuxurka Sababta Xadhigiisa

Addis Ababa:Sep,06,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, ayaa muddo kooban xabsiga dhigay Mareeyihii guud ee hudheelka Hilton,waxana sababta lagu sheegay muran dhinaca Ganacsiga ah oo Halkaas ka dhacay.

tonMareeyaha oo lagu magaacabo Haakan Gaarder-Larsan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Norway, waxana uu yooyootan dheer la galay ciidamadii losoo diray.

Shirkad si gaar ah loo leeyahay oo magaceeda loo soo gaabiyo ENTTO ayaa dacwad ku soo oogtay hodheelka Hilton. Shirkadan oo 15-kii sano ee u dambeeyey hudheelka siineysay adeega gaadiidka ayaa ku andaconeysa in si ka baxsan sharciga shaqadii looga joojiyey.

Mareeyaha ENTTO ayaa sheegay in hudheelka Hilton ku qasbay shirkadiisa in ay bixiso adeeg aan ku jirin heshiiskii ay la gashay hudheelka. Waxaa uu intaa ku daray, in shirkad kale lagu wareejiyey shaqadoodi iyaga oo wali uuna dhamaan qandaraaskii hore loo siiyey.

Warkan oo lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka Ethiopia, ayaa lagu xusay in maareeyihii Hilton uu diiday in uu booliska siiyo wax war ah isaga oo ku dooday in kiiska ay maxkamadi gacanta ku hayso. Maareeyaha ayaa la sii daayey galabnimadii Khamiistii ina dhaaftay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed