|

“Dadka lacagta la yaacaya ee isleh dhaameel ku bixiyana waxanu leenahay walaalayaal Hantidiina haka dhigina Geel bacaad lagu lisay.” Xildh. Xoog.

Hargeysa:Sep,06,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog), ayaa sheegay inaanay cidina awood u lahayn inuu dib usoo celiyo Go’aan ay Goluhu hore u gaadheen, waxana uu deedafeeyey tallaabada madaxweynuhu kusoo celiyey Qorshihii Goluhu ku laaleen Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.

lexXildhibaan xoog oo warbaahinta kula Hadlay Xarunta Golaha, ayaa sheegay inay bilaabmeen qorsheyaal  dad lacago sitaa ku khasbayaan inay xildhibaanada Golaha Wakiilladu markale ka doodaan Warqadda Madaxweynaha kaa timi.

“xamxamta suuqa waxa la isla dhexmarayaa waxana la ii sheegayaa in dhaameelkii bilaabmay oo xildhibaanadii  guryahoodii loogu tegay oo ay ka fadhiyi Karin la’yihiin Dad lacag qaybinaya,waxanuse leenahay annagu ma hayno xeer aanu lacag ku  bixino.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Gole ahaan horjoogsan doonaan Qorshe kasta oo Hantida umadda cid gaar ah loogu wareejinayo, waxana uu yidhi,“Waxanu nahay dhegihii iyo Indhihii umadda, umaddaana nagu aamintay masiirkooda, haddii aanu ogaano heshiis qol madow lagu galayna bartiisaanu ku baabi’inaynaa.”

Mudane Xoog waxa uu sheegay in Go’aanka ay gaadheen aanay cidi hor istaagi Karin, waxana uu u digay dad uu sheegay inay u xaydan yihiin La wareegista Hantida umadda,“Go;aanka aanu gaadhnay waa go’aan gole, cid awood u leh inay soo celisaana ma jirto, waana sida uu nooga baxay, dadka lacagta la yaacaya ee isleh dhaameel ku bixiyana waxanu leenahay walaalayaal Hantidiina haka dhigina Geel bacaad lagu lisay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Ugu Dambayntii waxa uu Xildhibaan Xoog tilmaamay in Haddii Haamaha Keydka Berbera Cid gaar ah lagu wareejiyo Qiimaha shidaalka Somaliland Gudaheeda aan cidi iibsan Karin, waxana uu yidhi,“Hadddaanu ogaanno in Hantida qaranka la boobayo waxa nagu waajib inaanu barteedda ku joojino, Ka isleh lacagtaada ku iibso dabadeedna ku kordhi  shidaalka umadda sidii hilibka, waxad arki doontaan Iyadoo foostadu gaadhay Boqol kun oo dollar, waa Haddii shirkado gaar ahi la wareegaane.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed