|

Maalinta Joojinta Sigaarka oo Hargeysa laga xusay

Hargeysa, 31, May 2012 (SDN)- Xuska maalinta joojinta Sigaarka oo si caalami ah loogu asteeyay 31-ka May sannad kasta ayaa maanta laga xusay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

xuskan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Hay’ada Health Poverty Action iyo WHO ayaa waxa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaana munaasiabadaas ka qaybagalay masuuliyiin ka socotay WHO, Health Poverty Action iyo Wasaaradda Caafimaadka.

masuuliyiintii munaasibadaas ka qaybgalay ayaa si isku mid ah uga warramay dhibaatada uu bulshada caalamka ku hayo qiijinta sigaarku, taasoo ay sheegeen sababta dhimashada malaayiin qof sannad kasta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur  oo ka hadlay kulankaas ayaa soo jeediyay in Sigaarka soo gala Somaliland lagu kordhiyo cashuurta si uu u yaraado ka ganacsigiisa iyo isticmaalkiisuba.

SDN, Hargeisa

Comments are closed