Uncategorized

Ciidamada Ethiopia Oo Raalligelin Ka Bixiyey Odayaal Soomaaliyeed Oo Ay Gobolka Hiiraan Ku Laayeen

Beledweyne:Aug,10,2015(SDN/QJ)-Ciidamada waddanka Ethiopia eek u sugan Gobolka Hiiraan, ayaa raalligelin  faahfaahin ka  bixiyey Odayaal soomaaliyee oo laba maalmood kahor ay ku laayeen Magaalada Halgan oo 50-Km u jirta Magaalada Beledweyne.

roprCiidanka Itoobiya, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday gaadhi caasi ahaa oo ay Odayaasha Dhaqanka la socdeen, xilli ay ka soo amba baxeen Baladweyne, tacsina ay kaga qaybgalayen Deegaankaasi Halgan. Ciidanka Itoobiya waxay ku andacoonayan inay ka shakiyeen gaadhigaasi.

Saraakiisha Itoobiya, ayaa maalintii shalay waxay kulan la qaateen Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka ku dhaqan Halgan, waxayna u muujiyen sida ay kaga xun yihiin falkaasi, iyagoona cudurdaar ka bixiyay.

Madashii uu kulanka ka qabsoomay, ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba askari oo Itoobiyaan ah oo falkaasi loo xidhay, waxayna askartu sheegtay in darawalkii gaadhiga ay ku amreen inuu joojiyo, balse uu isku deyay in gaadhiga uu dib ula cararo, iyana ay u qaateen Xoogag Shabaabka ka tirsan oo weerar soo qaaday.

Maxamed Cumar Aadan (Gaduudow), Taliye Ku Xigeenka Aagga Halgan oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay si dhow u muujiyen, sida ay kaga xun yihiin dhacdadaasi, oo si khaldan u dhacday, sida uu sheegay.

Taliye Ku Xigeenka waxa kaloo uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Deegaanka, ay aqbaleen raaligelintii ay Saraakiisha Itoobiya ka bixiyen dhacdadaasi, oo lagu dilay ugu yaraan lix nin oo Odayaal ahaa, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay.

Odayaasha Dhaqanka ee falkaasi ku dhimatay, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Nabadoon Cilmi Shabeel oo ka mid ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com