Uncategorized

Ciidamada Masar oo madaxweyne cusub ku wareejiyay talada dalkaasi

Qahira July 04,2013(SDN)-Ciidamada xooga ee dalka Masar oo shalay xilkii ka faro maroojiyay madaxweynihii dalkaasi Maxamed Morsi ayaa shaaciyay madaxweyne cusub oo ay xilkaasi.

Ciidamada ayaa sheegay in ay talada dalka ku wareejinayaan guddoomiyaha maxkamada sare ee Masar.

dalka Masar ayaa waxa saaka laga dareemayaa dareemo isugu jira caro iyo farxad ay kala dareemayaan shacabka dakaasi.

Taageereyaasha madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Masar si dimuqraadiyad ah loogu doortay ayaa qaba in madaxweyne Morsi ciidamadu afganbiyeen.

Halka Mucaaridku qabaan in shacabku yihiin kuwa talada dalka ka xayuubiyeen madaxweyne Morsi.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada ayaa xilka madaxweyne u dhaariyay Adly Mansour oo hogaamin doona dawlada KMG ah oo dalka doorashooyin ka qabata.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com