Uncategorized

Wasiirada Maaliyada iyo Warfaafinta oo qado Sharaf u ameeyay Ciyaartooyda Gobolka ay ka soo Jeedaan ee Gabiley

Hargaysa June 12,2013 (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada iyo Warfaafinta ayaa Qado Sharaf ugu sameeyay Huteelka Maansoor Xulka Gobolka Gebilay u matalaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Hadhiimo Sharafeedkaas waxaa ka qaybgalay Xildhibaano  ka socday Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Gebilay.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo Xafladaas soo agaasimay ayaa sheegay in ujeedada ay qado Sharaftan ugu sameeyeen Xulka Gobolka Gebilay ay la xidhiidho sidii ay ugu Muujin lahaayeen dhiirigalin ay kula barbar joogaan Guulaha ay ilaa haatan gaadheen,Wasiirka Wasaarada Maaliyadu waxa uu ku guubaabiyay Ciyaar yahanada Gobolka Gebilay inay mar walba isku xidhnaadaan isla markaana akhlaaq wanaag lagu Majeerto.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad” ayaa dhiniciisa waxa uu  u soo jeediyay ciyaartoyga gobolka Gebilay inay qabatimaan oo ay joogto ka dhigtaan akhlaaq wanaaga si ay horusocod uga sameeyaan sooyaalka taariikheed ee dalka,Wasiirka Warfaafintu waxa uu intaas ku daray in sirta ciyaaraha ee uu xulka gobolka Gebilay ay  ku dhiiri gelinayaan ay tahay nabad-gelyadda, akhlaaqda  iyo ciyaar wanaagga ay isku darsadaan.

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Xubno kala Duwan oo ka Mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay Hadhiimo Sharafeedkaas .

Geesta kale Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida C.laahi Ibraahin Habane ayaa Casho Sharaf ugu Sameeyay huteel Safaari Xulalka Gobolada Awdal iyo Salal u Metelaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland .

Munaasibada Casho Sharafta ah waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ka Tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada,Maayarka Magaalada Boorama,iyo Marti Sharaf kale .

Xubno u hadlay Labada Xul ee Gobolada Awdal iyo Selel ayaa Sheegay inay sii wadayaan daadaalkooda ku aadan Sidii ay Guusha Koobka Tartanka Gobolada u hanan lahaayeen.

Maayarka Magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa u soo Jeediyay Xulalka labada Gobol inay ilaaliyaan Anshaxa Ciyaaraha kana Feejignaadaan Wax kasta oo wax u dhimaya Qawaaniinta Ciyaaraha.

Maayarku waxaa kale oo uu kula dardaarmay labada Xul ee Gobolada Awdal iyo Salal inay Tartanka Ku dhamaystaan Ciyaar Wanaag iyadoo hadii ay badiyaan iyo laga badiyaba ay ilaashadaan ayuu yidhi Magaca Gobolada ay Metelaan.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa u mahad naqay labada Xul dadaalkii ay sameeyeen kuna soo gaadheen heerka ay maanta taagan yihiin Waxaanu Wasiirku u soo rajeeyay labada Xul ee Gobolada Awdal iyo Salal inay Guul ka gaadhaan tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland,Waxaanu balanqaaday inay dhiirigalin la garab joogaan labada Xul.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com