Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muus Biixi Cabdi ayaa Bishii July ee Sannadkii 2010 Wuxuu Madaxweynaha Xilka ka degaya Mudane Axmed Siilaanyo u Magacaabay Gudi kala soo talisa dhismaha Xukuumadiisa Waxay Guddidaasi go’aamiyeen in 15 Wasaaradood ay noqoto dhismaha Xukuumadu.
Waxaa Maanta Mar kale hor yaala Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu ka dhabeeyo soo dhisida dawlad Kooban oo ay aqoontu hagayso.
