Uncategorized

Dabkii Xalay ka Kacay Kaalinta KAAH Oo Dibadda Soo Dhigay Karti-darrada Xukuumadda Siilaanyo ee Dhanka Adeegga Bulshada Iyo Taliye Fadal Oo Ciidan Bilaa Ujeeddo ah Goobta Dhoobay

Hargeysa:May,04,2014(SDN/QJ)-Dabkii Habenekii xalay Baabi’iyey Kaalintii shidaalka ee KAAH oo ku taallay Bariga Magaalada Hargeysa, ayaa dibadda u soo saaray tabcaan-nimada xukuumadda siilaanyo ee dhinaca adeegga arrimaha Bulshada.

dhiibyDabkan  oo muddo saacado ah socday, ilsa-markaana aanay xukuumaddu ka qaybqaadahin demintiisa, ayaa ahaa mid ay shacabku markii dambe ku guulaysteen innay Damiyaan inkastoo uu khasaare ballaadhani gaadhay Goobta.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Taliyayaal Ciidan ayaa Goobta gaadhay iyagoo wata Baabuurta Xarrada  oo Tamashleynaya, waxana  la arkayey Taliyaha Ciidanka Booliska oo cidamo boolis ah geeyey Goob holac iyo qiiq hadheeyey oo aan ciidan u baahnayn.

Waxa Gebi ahaanba xukuumadda laga waayey inay Goobta keento hal Dam-demis oo dabka lagu bakhtiiyo, iyadoo ay wasiirradeedu hareeraha ka taagnaayeen dabka iyo khasaaraha meesha ka dhacayey, xilli ay koox Taliyaha Ciidanka Boolisku ku jiraa u muuqdeen dalxiisayaal dabka u soo daawasho tegay.

Xukuumadda ayaan Goobta keenin wax dabka lagu bakhtiiyo, waxase markii dambe Goobta la keenay Dabdamis si gaar ah loo leeyahay, kaas oo waxoogaa Khasaarihii soconayey hoos udhigay.

Shacabkii Goobta joogay ayaa si weyn isu weydiinayey sababta ay xukuumadda oo xataa Dawladdeedii hoose wadataa u keeni weyday Hal dab-demis oo dabkaas lagula dagaalamo, balse waxa ay goobta soo dhoobtay Ciidan Boolis ah oo cidhiidhi ku riday Dadkii dabka bakhtiinayey.

Haddaba arrintan ayaa muujinaysa inaanay haba yaraatee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxtar weyn oo dhinaca adeegyada Bulshad ah u qabanin shacabka ay muddada hor joogtay, iyadoo mar walba ku faanta inay waxqabad muujiyeen xilligii ay dalka majaraha u  hayeen.

Tani waxay tusaale u tahay in dhammaan hantida dalka taalla oo dhammi ay halis ugu jirto inay shuf-beeli karto xilli kasta, iyadoo waliba aanay jirin cid la odhan karo way damin kartaa Haddii khasaarahaasi yimaaddo.

 

Arrinta kale ee lala yaabay ayaa ah inaanay dawladdii hoose ee Hargeysa goobta keeninn Dab-demis xilligii ku habboonaan, waxana uu Maayarka Caasimaddu miciinsaday Tacsi aan loo joogin.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com