Uncategorized

Muqdisho: Askari Nabad-sugid ah Oo Xalay Xaaskiisii Qudha Ka Gooysay

Muqdisho:07-Jan-2014(SDN)-Waxa Xalay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xaafadda Xamar Jajab Lagu Dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dawladda Gaar ahaan Waaxda Nabad-sugidda.

BASTOLADDilka Askariga ayaa la sheegayaa inay Geysatay Haweenay uu qabay oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Zubeer, iyadoo dadkii La Deriska ahaa sheegayaan inuu jirey khilaafka dhinaca qoyska ah oo in muddo ahba soo taxnaa kaas oo aakhirkii keenay inay Haweenaydani raadsato Qori AK47-ah oo ay ninkan ku disho.

Askariga ayaa dilkiisa loo adeegsaday AK47 waxaana marka dilka uu dhacay kadib goobtaa soo gaadhay Ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaa oo xabsiga dhigay Haweeynaydii dilkaa  lagu eedeeyey.

Booliiska ayaa sheegay in falkaa baadhayaan hayeeshee Qoysaska dariska la ahaa ninkan oo deganaa Xaafada Labada Buundo ayaa sheegay in dhawaanahaan khilaaaf ka dhaxtaagnaa Ninkaa iyo Xaaskiisa.

Falalka Noocan oo kale ah ayaa ah qaar inta badan ka dhaca meelaha somalidu ku nooshahay, waxana in badan la arkaa Haweenay Ninkiidii dishay ama Nin Xaaskiisii qudha ka gooyey kadib muran dhinaca Nolosha ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com