Uncategorized

Dagaal ciidamada iyo Mucaaridka Masar dhexmaray oo uu ku dhintay sarkaal sare

Qahira Sept 20,2013(SDN)-Ciidamad adalka Masar ayaa magaalo mucaaridka dalkaasi mudo isku urursanyay dagaal ay ku qaadeen waxa ku dhintay sarkaal sare oo ciidamada ka tirsan.

Ciidamada ayaa weerarka ay ku qaadeen magaalada waxa ay kala kulmeen iska caabin xoogan kooxo hubeysan oo magaalada ku sugnaa.

Suxuufiyin goob joog ahaa kolkii weerarku dhacayay ayaa sheegay in Gen. Nabil Farrag ay xabadi haleeshay mar uu u khudbadeenayay ciidamada.

Ciidamada ayaa todobaadyadii u danbeeyay weeraray dhawr magaalo oo ay ku tuhmayeen taageereyaasha madaxweynihii xilka ay ka tuureen.

Wasiirka arrimaha guddaha ee dalka Masar ayaa geerida Gen. Nabil Farrag masuuliyadeeda dusha u saaray taageereyaasha xisbiga Ikhwaanka.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com