Dimishiq Sept 20,20139SDN)-Meliishaadka ka soo horjeeda xukuumada Syria ayaa beryahan danbe waxa dhexdooda ka socda dagaal aan aad looga warheyn oo ay ku kala riixanayaan degaanada xukuumada ay ka qabsadaan.
Dagaal dhawaan dhexmarayna waxa ay ku kala qabsadeen magaalo ku taal xadka Syria ay la wadaagto dalka Turkiga.
Turkiga ayaa kolkii ay ka war heleen in meliishaad Al Qaacida ku xirani ay la wareegeen magaalada Jbourin waxa ay xireen xadka.
Dawladaha reer Galbeedka iyo kuwa khaliijka ayaa waxa ay taageero hub iyo lacagoba siiyaan kooxaha dagaalka kula jira xukuumada Bashaar Al Asad.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhexeeya meliishaadka mucaaridka ayaa gelinya xaalada dalka Syria marxlad hor leh oo madoow.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com
