|

Madaxweyne xanuunkii gollahii hore ee deeganku waa halkii!, baaqii caasimada Hargeysa ee aad talaabadiisi hore qaadayna dhamaystirkiisii waa laga sugayaa!

Manta oo ay taariikhdu tahay 28/8/2012 waxaan mar labaad xasuusin lahaa madaxweynaha anu soo dooranay, in uu si dhamaystiran wax uga qabto dhibaatadii bulshada casimada hargaysa uga soo cawdeen ee ku aadana baaqi ay kaga qayliyeen dhibaatada hanti boob, ee ay ku hayaan golihii hore ee deeganka ee liiska ku yimi,

UJEEDO

Adigo madaxweyne mahadsan runtii mucarid iyo muxafidba la wada dareemayo sidaad u gudatay hawshii lagu doortay, wax qabad kaasina uu soo kordhiyay wax ku cusub siyaasada Somaliland , oo ah in muxafid iyo mucaridba in lagugu taageero waga cusub ee aad iftimisay ee ah inaad ka shaqayso

  • La dagaalanka musuqmaasuqa
  • Hirgalinta habsami u socodka garsoorka qaranka, si loo helo nabadgalyo ku salaysan cadaalad
  • Dhirigalinta hayada horumarka ee qaranka si loo helo dhaqale umada wada gaadha
  • Ku dhiirashada meel kastoo u yaalo miis wada hadal oo soomaalidu joogto, si loo helo aqoonsiga qarankan mudad dheer loo soo halgamayey

 

Aniga oo intaas oo dhan ka duulaya , waxan mahad wayn kugu hayna sidaad u tixgalisay baaqi dhalinyaradii aqoonyahanada ahaa, ee ay kuu soo dhex mariyeen miidiyaha qaranku leeyahay oo dhan, ee ku aadana dhibaatada hanti boob ee ay ku hayaan golaha deeganku casimada hargaysa.

Anigoo hadalkaygii soo gabagabaynaya waxaan madaxweyne mar labaad ka sugaynaa dhamaystirka arimaahaas ku faalaysnaa baaqi dhalinyarada casimada hargaysa, shirkii jaraiid ee ku qabsoomay imperial hotel kuna  taariikhaysnaa 10/7/2012.

Baaqas oo ku saabsana, in dawlada hoose hargaysa odhid la galiyo, ka dibna maxkamad la soo taago dhamaan 25kii xidhibaan ee aanu ku soo eedaynay musuqmaasuqa iyo wax qabad la,aanta ragaadiyey casimada hargaysa, anagoo ku hadlaynay afka casimada hargaysa, ka dibna kii uu danbi ku cadaado hantida uu ka lunsaday casimadii lagu aaminay maamulkeeda la xarasho, danbigiisana laga abaaliyo, si taasi mar labaad ay casharo ugu noqoto golaha cusub ee fooda inagu soo haya 20/11/2012

TALO BIXIN

Talo bixina waxaa iga ah, mar hadii gole kastoo deegan oo la doorta u yahay mid waji qabilaysan ku imanaya ,ee anay ahayn shakhsiyaad iyagu iskood bulshada dhexdeeda uga soo iftiimay waxaan  ku talin lahaa, wasarada arimaha gudaha Somaliland ha loo badalo in ay noqoto ( wasarada arimaha gudaha iyo dawlada hoose ) si hantida qaranku leeyahay si simaan looga wada warhayo ,madaama aynu in badan waayo arag u nahay qof qabil lagu soo doorta waxa uu horumariya in ay tahay ku danaysi sifo qabyaaladaysan oo lagaga faa,iidayasanayo in wax lagu musuqmaasuqo, taasi oo anu qabiilka laftiisa wax rajo ah u hayn, laakiin ay noqotay janis dadka aqontooda maadi iyo maskaxba liidataa ay ku shaqaystaan.

 

 

 

Qalinkii;’ Cabdilahi Cismaan Cabdi (Cabdilahi Gadhle)

Comments are closed