Hargeysa:June,21,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa isku-beddel iyo magacaabis ku samaysay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Degreeto ay wasiirku soo saartay maalintii shalay ayey qaar kamid ah Masuuliyiinta kastamyada iyo Isu duwidda ku samaysay isku hufid, iaydoo tallaabadani noqonaysa tii labaad ee ay wasiirku qaaddo intii ay xilkaas haysay.
Wasiirka Maaliyaddu waxay Digreeto Wasiir ku magacawday Masuul cusub, kaasoo ay u magacayday inuu Maamulaha Kastamka Cashuuraha Maaliyadda ee Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa uu noqdo Sahal Cabdillaahi Aadan.
Sahal Cabdillaahi Aadan oo hadda taariikhda Digreetadani soo baxday ee shalay laga bilaabo ah Maamulaha Kastamka Madaarka Hargeysa, ayaa Wasiirku ka soo beddeshay Xarunta Waaxda Kastamka, laba bilood ka horna waxa ay Wasiirku ka qaadday xilka Maamule ee kastamka Abaarso.
Sidoo kale waxay Wasiirku magacawday Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ay u magacawday Isu-duwaha gobalka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo laga soo beddelay Maamulaha Kastamka Madaaarka Hargeysa Ibraahin Cawil Xaaji Nuur oo ay Wasiirku u beddeshay Xarunta Waaxda Kastmaka, horena u ahaa Isu-duwaha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Sidaa ayaa lagu sheegay oo Qoraalka Digreetada Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan soo saartay 20-kii bishan June ee Sabtidii shalay ay xambaarsanayd, taasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Qurbejoog.com xarunteeda Caasimadda Hargeysa.
Tallaabadan, ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho dakhligii dalka soo geli jirey oo si weyn isu dhimay, isla-markaana ay wasiirku go’aansatay in xagga shaqaalaha habacsanaantu ka jirto.
SDN/QJ
