Hargaysa 03.Feb 2015 (SDN/QJ)- Waxaa laga Joogaa 21 Sanno ka Hor markii ay Somaliland samaysay Talaabo Wax ku ool ah oo ay ku xaqiijinayso dhismaha Qaranimadeeda Isla markaana ku buuxinayso Shuruudaha laga rabo in dawladi yeelato taas oo ah samaynta Ciidan Qaran oo difaaca dalka u dabran.
Waxaa Degsiimo kasta oo ku taal Somaliland xiligaas ku sugnaa Maleeshiyaad ka dhex dhashay dagaalkii hubaysnaa ee dalka ka dhacay Waxaa la Muujiyay adeegsashada awoodaha bulshada oo wakhtigaas u oomanaa nabadgalyo cago adag ku taagan waxaa Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium uu noqday bogcad lagu qarameeyo maleeshiyaadkii looguna dhalan rogo Ciidan Qaran.
Hirgalinta amuurtani inkastoo ay Turun Turo la Kulantay hadana Waa Cashar faa’iido badan u horseeday Jiritaanka Somaliland isla markaana ay dunnidu ka Kasban karto Waayo aragnimo .
https://www.youtube.com/watch?v=ePmlr3G0XkI
Muuqaalka Labaad ayaa Isna ka Mid ah Maalintii labaad ee Hub ka Dhigista maleeshiyaadka
https://www.youtube.com/watch?v=zpti3qTCpLE
Sidoo kale Muuqaalkan ayaa isna ka Mid ah Ayaamihii Dhismaha Qaranimada
https://www.youtube.com/watch?v=Ovmn1HFsP24
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
