Uncategorized

Ciidamada Syria oo la wareegay Buuraleyda Golan iyo ciidamadii QM oo isaga baxaya

Dimishiq June 07,2013(SDN)-Ciidamada Xukuumada Syria ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta marinka Buuraleyda Golan ee dhaca inta u dhexeysa dalkaas iyo Israel.

Marinkan oo mudo sanado ah ay gacanta ku hayeen ciidamo caalemi ah oo ka socda Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay aya ahaatan galay marxalad cusub.

M a cada sababta ay ciidamada Suuriya ula wareegeen gacan ku heynta marinka Golan ee hore ay ugu dagaalameen dalka Israel.

Ciidamada Qaramada Midoobey ee gacanta ku hayay Marinkan oo tiradoodu aheyd 380 askari ayaa ka soo jeeday dalka Australia,waxaana lagu wadaa in ay dalkoodii dib ugu noqdaan.

Dawlada Israel iyo Qaramada Midoobey ayaan weli ka hadal weearkan ay ciidamada Syria kula wareegeen Marinka Golan.

SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com