|

Dawladda Turkiga oo laga codsaday inay Xorriyaddeeda u soo celiso Fannanaada Qamar C/laahi Harawo

Istanbul, 29 February, 2016-(SDN/QJ): – Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka wada hadlay xadhiga Fanaanadda Qamar Cabdillaahi Harawo oo muddo afar sanno ah ku xidhan dalka Turkiga.

QamarQamar Cabdillaahi Harawo oo ka mid ahayd fanaaniintii Waabari ayay xukuntay maxkamada ku taalla dalka Turkiga kadib markii la sheegay in lagu helay qaad ay soo galisay dalkaasi oo uu mamnuuc ka yahay laguna xukumay 15 sanno oo xadhig ah.

 

Wasiirkii hore ee caddaaladda Xukuumadda Muqdisho Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan ku saabsan xadhiga Qamar Cabdillaahi Harawo la yeeshay saraakiisha Waaxda Garsoorka dalkaa Turkiga.

 

Saraakiisha dalka Turkigu waxay sheegeen in Fanaanada Qamar Cabdillaahi Harawo lagu qabtay Qaad ay soo galisay dalka Turkiga,waxaanu Faarax Cabdiqaadir Sheegay in ay ka codsadeen dalka Turkiga in xadhigeeda la fududeeyo Fannaanadan,haddii kale xadhiga inta u hadhay ay ku dhammaysato dalka Somalia.

 

Qamar, oo ka mid ah Fannaaniinta Caanka ah ee Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaan ogeyn in Turkigu Xorriyaddeeda ugu soo celin doono Codsiga Dawladda Soomaaliya.

Comments are closed