|

Wasiirkii Hore Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Oo Dib Shaqadiisii Dhakhtarnimo Uga Bilaabay Magaalada Burco

Burco, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Dr Cabdi aw Daahir Cali wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland kana mid ahaa siyaasiyiintii isbahaysiga dimuqradi doonka xisbiga kulmiye ayaa shaqadisii dakhtarnimo dib uga bilaabay magaalada burco gaar ahaan xarunta Shaacifi Midacal oo uu mulkiyadiisa isla lahaa horena uga ahaa dhakhtar dadka uu ku daweeyo,

cabdi aw daahirCabdi aw Daahir oo isagu hore uga mid ahaa siyaasiyiinta miisanka ku dhex leh xisbiga Kulmiye kana mid ahaa siyaasiyiintii ka cadhoodey shirwaynahii lagu soo doortey Labada musharax eek ala ah Muuse Biixi cabdi iyo C/raxman saylici,

 

Dib u bilaabida shaqadii dhaqtarnimo ee cabdi aw daahir ayaa Muujinaysa kala jabka iyo rajo xumada ay xubnahii la baxay isbadel doonka Kulmiye ka qaabaan dib ugu soo labashada siyaasada Somaliland iyada oo hore ay dib ugu soo laabten xukumada qaar ka mid ah xubnahii ka mid ka ahaa isbahaysiga kulmiye ee qaadacay shirwaynahii xisbigaasi dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaafnay ku qabsaday magalada Hargeisa.

Comments are closed