|

DIB U HABAYNTA CADAALADA IYO DADAALKA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE WAXA CAQABADAHA HORTAAGAN KA MID AH XAFIISKA XEER ILAALINTA OO AAN DIYAAR U AHAYN REFORM IYO CASRIYAYN.

Waxa dhamaanteen hadaynu bulshada reer Somaliland nahay aynu aad uugu diirsanay isbadalada iyo dadaalka uu muujiyay gudoomiyaha maxkamada sare Qaryaqaan Aden haji cali,balse waxa dadaalkiisa ku gadaaman caqabo fara badan waxana caqabadaa ka mid ah xafiiska xeer ilaalinta iyo xeer ilaaliyaha guud oo ah dadkii nidaamkii hore ku ababay ayna ku dag tahay  casriyaynta iyo dib u habayntu.

Ninka xeer ilaaalinta haystaa muu ixtiraamin go’aankii maxkamada dastuuriga ah ee ahaa in aan la iska xidhan saxafi aan dariiq sharci ah loo marin xadhigiisa,balse si cad ayuu xeer ilaaliyuhu u jabiyay qodobkaasi.

Waxa uu ka dhigay xafiiskii xeer ilaalinta ee shuruucda dalka ku ilaalin lahayd muwaadiniinta iyo qanacsatada ,NGO haayadaha lagaga qadhaabto oo ka shaqeeya gudniinka fircooniga ah iyo arrimaha haayadaha lacagaha lagaga helo.

Xabsiyada Somaliland galbeed ilaaa beri waxa ku xidhan dad dacwad sugayaal ah oo u xadhiban shaqo gudasho la’aanta xeer ilaalinta.

Waxa aan bulshada reer Somaliland ku dardaarayaa in ay garab siiyaan dadaalka ugubka ah ee gudoomiyaha maxkamada sare.

Waad Mahadsantihiin,

Professor,Kaahin Ardaale

Comments are closed