|

Diblumaasiyiin Reer Galbeed ah oo sheegay inay ka shaqeeyeen in Doorashooyinka Somaliland dib loogu Riixo Sannadka dambe 

K/Afrika, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Simon Allison ah Wariyeha Afrika ee Wargeyska Caalamiga ah ee (Daily Maverick) oo fadhigiisu yahay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland oo qorshuhu ahaa inay dhacaan Sannadkii hore Beesha Caalamku ka shaqeysay in dib loogu dhigo Sannadka Dambe ee 2017-ka.

 

Wariye Simon oo ka qayb-galay Dood ku saabsan Mustaqbalka Soomaaliya iyo Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaaan Dalkaasi oo uu qabtay Telefiishanka TRT, ayaa sheegay in Diblumaasiyiin reer Galbeed ahi u xaqiijiyeen in ay ku cadaadiyeen Somaliland inay dib u dhigto Doorashadooda si looga soo hor-mariyo Doorashada Federaalka Soomaaliya, si buu yidhi Habka Doorashadaasi u dhaceyso loogu dhiiri-geliyo Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqday inay Madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, laakiin aan ilaa hadda Aqoonsi ka helin Caalamka intiisa kale.

 

“Diblumaasiyiin Reer Galbeed ah, ayaa ii sheegay inay Somaliland ku cadaadiyeen inay doorashadooda oo Sannadkii hore ku muddeysnayd dib ugu dhigaan Sannadka dambe, si Doorashada Soomaaliya loo soo hor-mariyo.” Ayuu yidhi, Wariyuhu, waxaanu intaa ku daray in Reer Galbeedku aaminsan yihiin haddii doorashada Soomaaliya si wanaagsan u dhacdo ay dhiir-gelin karto Somaliland, “Si Doorashada Soomaaliya oo hab Dimuqraadiya u dhaceysa loogu dhiiri-geliyo Dalka intiisa kale (Somaliland).”

Comments are closed