Uncategorized

Doodii Xamaasada lahayd ee Golaha Wakiilada iyo Jewigii Mudanayaashu afkaartooda ku cabireen {DHAGAYSO}

Hargaysa 18.Sep 2013 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta ku sii ambo qaaday dooda Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo Xukuumadu ay Golaha Wakiilada u soo Gudbisay si ay Waajibaadkooda Sharciga ah uga Gutaan.

Golaha Wakiilada SaxFadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Xildhibaanadii ka qayb qaatay doodu waxay siyaabo kala fog u sharaxeen faa’iidada iyo Khasaaraha Xeerkani leeyahay.

Inta badan Shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya Sida uu Golaha Wakiiladu u Maareeyo Xeerkan Wadooyinka oo uu Golaha u soo Gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada isla markaana ku doodaya inay ku jiraan qodobo culays ku ah bulshada,Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa u Muuqda kuwo dhinac iska dhigay habacsanaantii ay ku meel marin jireen Xeerarka noocan oo kale ah iyadoo dooda Mudanayaashu ay si Mug leh u dul istaagayaan Galdaloolada ka Muuqata Xeerkan halka kuwa kalena ay aaraadoodu u janjeedho in la ansixiyo xeerkan.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Xamaasada Dooda Wakiilada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DoodiiWak19.mp3″]

Hargaysa SDN.

Contact@somalidiasporanews.com