Addis Ababa:June,21,2015(SDN/QJ)-Doorashooyinkii bishii hore ka dhacay dalka Ethiopia, ayaa natiijadadoodii waxa lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalinta Berri ah oo isniin ah.
Doorashooyinkaas oo iskugu jirey kuwa Baarlamaaniga Guud iyo ismaamullada Dalkaas ka jira, ayaa in muddo ah la sugayey, waxana haatan la xaqiijiyey in la qorsheeyey xilliga lagu dhawaaqi doono.
Guddida arrintan loo xilsaaray, ayaa sheegay in codadkii doorashada oo dhan la tiriyey, sidadarteedna natijadii rasmiga ahyad laa baahinayo Isniinta oo bishu tahay 22-ka June.
Waxaa xusid mudan, in natiijo hordhac oo bishii hore la soo bandhigay ay guusha siisay EPRDF iyo xisbiyada jaalka la ah kuwaas oo ku guuleystay 442 kursi oo ka mid ah 547 kursi ee baarlmaanku ka kooban yahay.
Ugu yaraan 2 urur oo ka tirsan mucaaradka ayaa natiijadaas gaashaanka ku dhuftay iyaga oo sheegay in xisbiga talada haya iyo taageerayaashoodu ay guushoodu ku timid handadaad iyo gacan-ka-hadal loo geystay taageerayaasha xisbiyada lidka ku ah dawlada.
Xukuumada Itoobiya ayaa eedaymahaas iska fogeysay iyada oo sheegtay in muucaradku ku guuldareysteen in ay soo bandhigaan qorshe iyo siyaasad quman oo ay codbixiyaasha ku soo jiitaan.
Goobjoogaayaasha Midowga Afrika, oo ah kormeeryaasha kaliya, ayaa sheegay in doorasadu u dhacaday si nabadgalyo ah oo macquul ah, balse waxa ay ka gaabsadeen kalamadaha ‘ xor iyo cadaalad’ in ay doorashadu u dhacday.
Sidoo kale, wadamada reer Galbeedka ayaa boogaadiyey in ay doorashadu ku dhamaato si nabdgalayo ah iyaga oo go’aankooda kama dambeysta ah ee ku aadan doorashada la sugaya natiijada rasmiga ah.
Gollaha doorashada ayaa waxaa kale oo uu soo bandhigayaa tirda guud ee codbixiyaasha iyo ismaamuulada dalka.
SDN/QJ
