|

Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu Dil ugu Hanjabay Sarkaal FBIda ka tirsan

Seattle April 30,2012(SDN)-Nin Soomaali ah oo ku jira gacanta ciidamada amniga ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu u hanjabay sarkaal ka tirsan ciidamada amniga ee dalkaasi iyo qoyskiisaba.

Abdi Abukar oo 24 jir ah ayaa haatan xabsiga ugu jira hanjabaad hore oo uu u geystay haweeney,eedaas oo uu ku muteystay xadhig laba sanadooda.

Sida lagu xusay Qoraalka eeda ee maxkamada la hor geeyay,Cabdi ayaa FBIda xog ka siiyay Nin la yidhaahdo Ruben Shumpert oo lagu tuhunsanaa xidhiidh uu la lahaa Shabaabka.

Cabdi ayaa sidaa u sameeyay si denbiga lagu heystay loogu khafiifiyo,taasina ma ay dhicin,waana sababta uu ugu hanjabay sarkaalka FBIda ka tirsan.

Shumpert ayaa la aaminsan yahay in dhawaan lagu dilay Soomaaliya ka dib kolkii uu ka qeybqaatay dagaal halkaa ka dhacay.

Eedan cusub ee lagu soo oogay Cabdi Abuukar ayaa hadii lagu helo kordhin karta mudada uu xabsiga ku jiri doono.

SDN-Seattle

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed