Muqdisho Sept 20,2012(SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar uu saxaafada la hadlay waxa uu uga waramay qarax maanta Muqdisho lagula beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad rayid u badnaa.
Hadalka madaxweynaha ayaa waxa ka mid ahaa;“waa arin aad iyo aad dembi u ah oo ilaah agtiisa dambi ka ah, shacabka Soomaaliyeed xagoodana dambi ka ah waa fal fool xun oo shacabka Soomaaliyeed lagu dabarjarayo,waan uga tacsiyeynayaa shacabka guud ahaanba dadkii halkaasi ku geeriyooday kuwa dhaawacmayna Alle ha caafiyo.
kooxahan waxaan u sheegayaa Ineysan umadaan baabi’in Karin kana leexin Karin hadafka dowladnimo ,dad soomaaliyeed oo aan dambi gelin ayaa la daliyaa hadafka umadaan isbedeli maayo, umadaan nabad way rabtaa,dowladnimana waa rabtaa kooxaha falkaan geysanayana waa kooxo aan wax rajo ah laheyn oo aduun iyo aakhiraba ka quustay.
dadka Soomaaliyeed ee qiimaha iyo sharafta leh waxaan leeyahay waxyaabahan dhacaya waxaa sabab u ah dowlad la’aanta dadka falalkaan geysanayana waxaa ka harsan jiritaankooda maalmo yar falalkanna waa rafashadoodii ugu dambeysay,qasaaraha iyo shalaayguna ayaga ayuu ku dambeynayaa shacabkuna waa iney u midoobaan”.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
