Hargeysa July 10,2013(SDN)-Marwo Faadumo Siciid oo ka mida madaxda xisbiga mucaaridka ah ee UCID khaasatan dhanka Maaliyada ayaa waxa ay ka warantay hab dhaqanka xukuumada Somaliland.
Marwadu waxa ay si gaar ah uga warantay hawlgalada ciidamada RRUda loo yaqaano ee aan la garaneyn cida ay hoos tagaan isla markaana ka mar qaataan.
Marwo Faadumo waxa ay si gaar ah u sheegtay hawlgalada sida qeyrul sharciga ah ee ciidamadani ugu daataan Aqalada muwaadiniinta xili ay hurdaan.
Maradu iyada oo arinkaa ka hadleysana waxa ay tiri”Guryahan loogu soo dhacayo dadka saq badhka waxa aan xusuustaa xilligii Maraykanka dadka madaw lagu adoonsan jirey waxa jirtay koox la yidhaahdo KKK oo ah dad cadaan ah oo markay maqlaan qof madaw ah oo yidhaahda waxaan doonayaa xuquuqdayda inta ay habeenkii afka soo duubtaan ayey afduubi jireen, maanta Somaliland kkk ma joogtee waxa jooga RRU, oo inta dadkii muwaadiniinta ahaa guryahooda loogu dhaco debeda loo saarayo dadkii hurday waa shay xaaraan ah waana in ay saxaafadu soo bandhigtaa, anigu SNM baan ahaa mana doonayo wadankayga in ay waxaasi ka dhacan, waan u soo dhintay waanan u halgamayaa xataa haddii madheeraad sheegaysaaye god madaw laygu tuuro”.
Waa hadalkii ugu adkaa ee ruux siyaasi ah uga hadlo hawlgalada Ciidamada RRUda loo yaqaano ee Somaliland argegaxa geliyay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
