Uncategorized

Maxaa isku beegay Joojinta Dalku-galkii Cagaaraa iyo in Hawada Soomaaliya laga Hago Hargeysa?

Hargeysa July 10,2013(SDN)-Waxa shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ku lahaayeen dalka Turkiga ka soo baaxay qodob quraata oo u baahan in la fahmo ujjeedooyinka ka danbeeya.

Qodabka ah in hawada Soomaaliya laga hago magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyada Somaliland.

Qodabkaasi kolka u horeysa ee dhegtaadu maqasho micno ayuu yeelanayaa kolka aadse dhawr ilbirqsi aad ka fekerto dhadhan kale ayuu yeelanayaa.

Kolka u horeysa ee aad maqasho ama aragto heshiiskan Hawada Soomaaliya looga hagayo Hargeysa waxa aad is oraneysaa waa heshiis micno u sameynaya Soomaalida in hawadooda ay iyagu maamulaan.

Intaa ka dibse waxa aad hadana isweydiineysa sababta Baasaboorkii Cagaarnaa ay wasaarada Duulista Somaliland ku Suustay haatan.

Iyada oo laga dheregsanaa sidii ay Xukuumada Somaliland u difaacday xili Xamar laga mamnuucay.

Maxaase heshiiska Ankara ku soo beegay joojinta Baasaboorka cagaaran ee Soomaaliya.

Waxa tilaabadaasi muujineysaa in uu jiray is-afgarad hore intii aanu shirkuba qabsoomin.

Ta labaadi waxa ay noqoneysaa in ay haatan Somaliland mudo 22 sano ah ka dib shacabkeedu magaalooyinka Somaliland ka qaataan Baasaboorka Soomaaliya.

Tani waxa ay ka turjumeysaa sida xukuumadu u dheyelsaneyso saameynta heshiisyada ay la gasho Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland ma aaney garan waayin in caasimadeeda laga hago duyuuradaha wadan ay colaad siyaasadeed ka dhexeyso.

Waxase uu heshiiskani ugu fadhiyaa qiimo ka indho saabaya danta Qarankan curdinka ah.

Waxa dawlada Somaliland maankeeda buux dhaafiyay qiimeynta dekhliga heshiiskani u soo xareyn doono madaxtooyada.

Bal adiguba micnee Hawadeyda ma soo geli kartid taadana waan hagaa cidii iticmaaleysa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com