Uncategorized

Fadeexadii ugu Xumeed ee Abid soo Marta Xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK iyo Ururka SSUK oo Dul Hogeneysa Emailkan eega bal.

Waxaanu helney nuqul ka mid ah nuquladii ay isku direyeen wakiilka Somaliland ee uk mudane cali adan cawaale iyo Gudidii abaabuleysey xafladii 18/may/13  iyagoo daaha saraya kharashkii soo xarodey iyo inta la hayo., iyaga oo aan marnaba sheegeyn sida ay lacagtii u baxdey doonayana in duuduub sheekada lagu xidho ,waxaan kale oo aanu soo bandhigeynaa video aad iyo aad u layaab badan oo ku tusaya  lacagtii soo xarootey intey aheed iyo sida loo musuqey,waxaan kale oo aanu idiin hayna Emailadii ay isku dirayeen wakiilka Somaliland ee uk Cali Adan Cawale iyo cabdale saalim .

 

 

 

 

 

Nala eega nugulka mida  ka mid ah Emailada laysku dirayey.

 

 

 

 

 

On 13 Jun 2013, at 00:11, “abdalla salim” <barwaaqosoor@yahoo.co.uk> wrote:

 

Ascw

 

 

 

Qodobkii u horeeyay ee ka soo baxay shirkeenii waynu fulinay, Mohamed Omarna

 

aad buu ugu mahadsanyahay dadaalkiisa badan ee uu u galey sidii uu u xalin lahaa dhalinyarada cadheysan ee khaladadka badan inagu haya .

 

Qodobka labaadna waxaan idiin sheegaya in ay jirto sir weyn oo fakatey,waxaa kale oo la hayaa inta tigidh ee la jarey,waxaa kale oo la hayaa video cadeeynaya markii lacagta lala baxsadey,markaa waxaan idinka codsanyaa dhamaantiin bal sidii arinka loo xalin lahaa in ay fakir fiican keentaan,lacagtana sida ugu dhakhsaha badan aynu isku dhaafino ,haddii kale waxaa soo baxaya waxyaalo kale oo badan oo hada qarsoon.

 

Qodobka sedexaad waxaan idiin sheegayaa inaynu soo helno hay’adii ama cidii aynu ku wareejinlahayn. Taasi

 

waxay u baahan tahay bal intaynaan TV-yada tagin inaynu meel isla dhigno. Laba ra’yi

 

ayaan labadaba maqlay. Ka hore wuxuu yahay inaynu cida lagu wareejinayo kala sii

 

hesshiino meelaha la gaadhsiinayo lacagta haday meel kaliya tahay iyo haddii meelo

 

ka badan ba yihiin. Ka labaadna wuxuu yahay inaynu sheekh u dirno sida sheekh Siirow oo kale oo isna

 

gaadhsiiyo meelaha aynu inagu u goondayno. Bal arrinkaa aynu isla gaadaa dhigno.sida ugu dhakhsaha badana lagoo dhameeyo arinkan.

 

Wa billahi tawgiiq.,

 

 

 

Gudoomiye ssuk

 

 

 

Abdalla