Jawaab :Horta dareenkani muddo ayuu ku dhex wareegayay dhalinyarta East london, kadib markii ay dhalin yaradu fikirka isla qaadatay waxa ay kulamo la sameeyeen dadweynaha ku dhaqan East london oo rag iyo haweenba leh. aad ayay arintaa usoo dhaweeyeen, waxanay dhiiri galiyeen hawshaa aanu wadnay
Qurbejoog.com?Waxa jirta Safarad Somaliland ma la samayseen Xiriir safiirka Somaliland?
Jawaab: Sida aad warqabto East london waa meelaha ay dad weynaha somaliland xooga ku leeyihiin waxa ay East london leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta ilaa 1960, waxa ay ku suntan tahay halgankii dheeraa ee Somaliland lagu xoreeyay, Safaaraduna waxa ay ku taala East london.
dabcan safaarada Somaliland iyo xafiiskasta oo Somaliland u adeega inaanu xidhiidh la samayno ayaanu diyaar u nahay.
Qurbejoog:waxa kale oo jira xafiis qurbejooga iyo ururka SSUK iyo ururo kale markaa wax xiriira iyagana ma la samayseen?
Jawaab:Runtii anagu waxa aanu u taaganahay ka shaqaynta danaha somaliland, xafiiska qurba jooga iyo dhamaan ururarada kale ee ka shaqeeya hawla somaliland sida SSuk iyo ururada kaleba xidhiidh dhaw ayaanu la yeelan doonaa.
qurbejoog?waxa jira khilaaf soo kala dhax galay gudidii qaban qabinaysa xafladii 18May iyo dhalinyaro so abuushay xafladaas sideed u aragtaan?
Jawaab:Runtii waa wax laga xumaado in maalinta aynu jiritaankeena u dabaal dagayno in uu muran ka dhasho, waxase aan ku talin lahaa in khilaafkaa dhakhso loo xaliyo dhalinyaradana aan la niyad jabin oo ayna safaaradu ku mil min bulshada oo ay safaaradu hawlaha ay ururadu qabanayaan aanay iyadu ku milmin oo ay culayska saarto arimaha diblamaasiyada.
Qurbejoog.com:Gababagabadii maxaad fari lahayd jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Uk?
Jawaab:Aad ayaan u saalamayaa jaaliyada reer somaaliland meel ay joogaanba waxana si gaara u salamaayaa jaaliyada somaliland ee bariga london.waxana aan si buuxda u xasuusin lahaa dhamaan jaaliyadaha somaliland ee kusugan uk in ay midnimada somaliland ka shaqeeyaan.kana hawl galaan sidii somaliland aqoonsi buuxa u helilahayd.
qurbejoog.com
London