Uncategorized

Fadhiisimada Ciidamada Ethiopia Ee Beledweyne Oo Madaafiic Lagu Weeraray

Beledweyne:09-March-2014 (SDN)-Ciidanka Ethiopia ee sugan xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa shalay galabnimadii si kedis ah loogu weeraray madaafiic.

labalabMadaafiicdan ayaa ku soo hoobatay fadhiisimada gaarka ah ee ciidankaasi ku leeyihiin Aagga magaalada, waxana ay shacabku sheegayaan inay iyaguna ku jawaabeen madaafiic iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobaha sida gaarka ah loo weeraray ayaa wax aka mid ah Janta kuundishe oo 25kmk u jirta Beledweyne oo ah goobaha ay ciidankani sida gaarka ah u fadhiistaan, waxana kooxaha soo weeraray ay dagaal toos ah la galeen ciidanka Ethiopia oo markii dambe la sheegay inay dib iskaga caabiyeen kooxihii soo weeraray.

Ciidanka Ethiopia, oo dhowaan kamid noqday AMISOM ayaan lahayn Afhayeen u gaar ah oo ka warbixiyay Weerarada Noocan oo kale ee lagu soo qaado iyo Howlgallada ay kawdaa Gudaha Soomaaliya, sidaas darteedna way adagtahay in wax badan laga ogaado waxyaabaha ay la kulmaan.

 

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada Ethiopia sida gaarka ah u joogaan, waxana ay haatan qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al shabaab ee dawladda iyo ciidamda midowga afrika oo isgarabsanayaa ay ka wadaan Guud ahaan  Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com