Hargeysa:09-March-2014(SDN)-Wasiirka wasaaradda dib u dejinta somaliland Axmed Cabdi kaahin (casoowe) ayaa ka hadlay kormeer muddo qaatay oo uu ku soo maray deegaamada xeebaha waqooyiga Somaliland oo dadka deggeni ay cabasho weyn ka muujinayana noloshooda.
Wasiirka ayaa socdaalkiisa ku soo maray meelo badan oo ku taxan xeebaha waqooyiga dalka, waxana markii uu marayey degmada Lughaya ka warbixiyey u jeeddada socdaalkiisa uu deeganadaas ku marayey,
“socdaalkaygu waa inaan kormeer ku sameeyo gobolada iyo degmooyinka intaba anigoo u kuurgelaya xaaladda caafimaadka biyaha, waxbarashada iyo nabadgelyadeeda, waxana I weheliya Hay’ado badan oo arrimahan ka shaqeeya, waxana aanu ka baaraan degaynaa bal sidii wixii goobahaas dadka jooga ka dhiman loo dhamaystiri lahaa.” Ayuu yidhi wasiir casoowe.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay la socdaan Hay’ado shaqadoodu tahay inay arrimaha baahiyaha gaarka ah ee Bulshada wax ka qabtaan, waxana uu yidhi, “ waxa ila socda Ha’yado badan oo qaabilsan inay dadka baaiyayah biyaha iyo waxbarashada wax uga qabtaan, waxana kormeerkayagan ka dhalan doona inaanu qiimayno baahiyaha dadkani kadibna aanu wax ka qabano kuwooda ugu muhiimsan.”
Waxa xusid mudan in socdaalka wasiirka ay ku weheliyaan hay’ado ka hawlgala dalka Djibouti kuwaas oo dadka deegaankaas deggeni ay si weyn uga cabanayaan, iyagoo sheegaya inay qaateen qandaraaska soo celinta qaxooti reer Somaliland ah oo Djibouti deggenaa muddo dheer.
S.D.N
