|

Tiknoolojiyada oo qayb ka ah tahriibka Soomaalida, Qalinka Cumar Seerbiya

Hargeysa:Sep,06,2015(SDN/QJ)-Adeega ku shaqeeya Internetka ee ay bulshadu xogaha isku dhaafsato nooc uu yahayba (facebook, website, youtube, Imo, viber teleefan maqal iyo muuqaalba “ waxay qayb ka yihiin qul-qulka Somalida dhallinyarada u badan ay deegaanadooda kaga tagaan iyaga oo u socda meel ay yurub ugu sokayso badanaa.

seerbiyaIn ka badan 15 dhallinyaro ah oo tahriibay kuwaasi oo xaalado kala duwan oo badhkood khatar badan leh kala kulmay jidkii ay siimareen waxay iisheegeen xilliyo kala duwan oo aan la sheekaystay in ay salka ku haysay ujeedka tarhiibkoodu fariimo sawiro u badan oo ay ka heleen saaxiibo ay lahaayeen oo ka hor tahriibay kuwaasi oo si toos ah iyo si dadbanba ugu dhiirigeliyey in ay soo tahriibaan .

15 dhallinyarada ah oo aan kula sheekaystay khadadka teleefanka iyo Internetka iyaga oo ku kala sugan qaar ka tirsan dalalka Yurub iyo dalka liibiya oo ah halka tahriibayaashu badanaa yurub uga gudbaan markay afrika ka tagayaan waxay ii sheegeen fariimaha ay saxiibadood ka heleen badankoodu yihiin sawiro iyo muuqaalo muujinaya halka ay tageen iyo isbedel ku yimi noloshooda siday iyagu iigu macneeyeen taasina ay sababto in kuwa dalka joogaana ay baxaan wiilal iyo gabdhaba. Maxamed Cumar oo ah tarhiibe ka tagay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ee Puntland waxa uu ii sheegay isaga oo ku sugan magaalada faankuufar ee dalka Jarmalka in uu waxa ugu weyn ee uu u tahriibay ay ahayd sheeko dhexmartay isaga iyo nin ay saxiibo isku fasal ahaan jireen kaasi oo kaga horeeyey jarmalka “Saxiibkay waxa uu isoo diray sawiro uu ku galay magaalada uu degan yahay wuxuuna iga qariyey noloshii uu u sii maray si uu halkaasi u gaadho oo runtii ka duwan sidaan anigu sii arkay mana islihi qof tarhiib soo maray ayaa nolol qurbe ku faani kara” waxa sidan yidhi Maxamed Cumar oo iigu sheekeeyey barta facebook.

Waqti aan warbixin ka samaynayey tiknoolojiyada iyo doorka ay tarhiibka ku leedahay waxaan magaalada Gabiley kula kulmay 16 jir laba jeer laga soo celiyey xuduudka Wajaale ee Somaliland kala dawaagto Ethiopia isaga oo isku dayey in uu tahriibo waalidkii oo kaashanaya ciidamada socdaalkuna ay ku guulaysteen in ay soo celiyaan markii aan la sheekaystay wax uu igu sababeeyey tarhiibkiisu ka dambeeyey markii laba bilood ka hor waqtigaasi aan kulanay oo ahayd bishii afraad ee sannadkan 2015 uu cinwaan ku samaystay aalada facebook taasina u suurogelisay in ay iska helaan facebook dhexdiisa laba ka mid ah saxiibadiisii dugsiga dhexe uu la baran jiray oo tarhiib ku galay Sweden kuwaasi oo markii ay qoraalo is dhaafsadeen ka dib ku qanciyey in uu isna ka so daba tahriibo .

Dhallinyaro badani waqtiyada ay goobaha shaaha laga cabo iskugu yimaadaan waxay is daawadsiiyaan sawiro iyo muuqaalo saaxiibadooda maqaaxida la fadhiisan jiray ay qurbaha ka soo direen Axmed jaamac oo ah in dhallinyaro ah oo reer Borama ahi mar aanu sheekaysnay isna waxa uu Igeeyey makhaaxi intii aan lafadhiyey ay iska garateenn laba wiil oo kale waxaaanu ii sheegay in ay saddexdoodu ka joogaan 14 dhallinyaro saxiibo ahaa oo si joogta ah fiidkii u fadhiisan jirya goobtaasi shaaha 12kii kalena hada ay wada tahriibeen inkasta oo nasiib darro 4 ka mid ahaa dhinteen sidaasi oo ay tahay hadana saxiibkii ila socday waxa uu igaga maqshquulay ka sheekaystay inta badbaaday oo iyagu noloshooda waji wanaagsan ku soo wariyey “technoolajiyada oo Somaliland uwood iyo xawaare oku sii yelanaysaa waxay iyana sahashay in dhallinyaradu xogaha si fudud u kala hesho siday ii sheegtay Sucdi Maxamed oo ah haweenay baratay cilmiga isgaadhsiinta casriga ah kuna nool magaalada Hargeysa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed