|

“Taa Macnaheedu Waxa Weeye Kenya Waxay Danaynaysaa Inay Heshiis Iskaashi La Gasho Maamulka Somaliland..” Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya

Nairobi 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay Somaliland la gasho heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaba isugu jira, si loo awoodo in layska garabsado balaadhinta iskaalmaysiga iyo in gacana laga siiyo somaliland meelaha iskaashigu ku salaysnaan karo sida dhismaha jidadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mrs Aamina Maxamed ayaa sheegtay in dalkeedu dananayo xidhiidh wax wada qabsi oo buuxa oo ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana waxay xustay in xidhiidhkaasi uu yahay mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.
wasiirka-arrimaha-dibadda-kenya-mrs-aamina-maxamedWasiirku Waxay xusty in Kenya iyo Somaliland ay iska kaashan karaan dhinacyada Kaluumysiga, Beeraha, Xoolaha nool, Caafimaadka, Waxbarashada iyo xitaa Macdanta, waxa kale oo ay intaa ku dartay inay jiri karaan waxyaaba kale oo xiiso leh oo ay iska kaashan karaan labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in haatanba ay Somaliland ka shaqeeyaan oo joogaan dad badan oo xirfadlayaal ah, kuwaasoo u jooga shaqooyin kala duwan oo ay ka hayaan Somaliland, sida; macalimiin, shaqaale ka shaqeeya hay’adaha Qaramadda Midoobay ee ka hawl gala Somaliland, hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo meelo kale.
“Waxaanu leenahay khibrad wanaagsan, waxaanu leenahay awoodii, waxaanu leenahay aqoontii, markaa waanu awoodnaa in aanu tayadaa u wareejino xaggaa, in aanu diro shaqaale sida kalkaalisooyin caafimaad, macalimiin, waxaanu haysanaa tiro fiican markaa dhib naguma ah in aanu u diro somaliland, si ay halkaa uga soo shaqeeyaan. Somaliland waxa jira dhismaha wadooyin badan, Anaguna waxaanu leenahay kambaniyo dhismaha jidadka iyo magaalooyinka ah oo qorshuhu yahay inay tegi karaan halkaa si ay u kaalmeeyaan. Taa macnaheedu waxa weeye Kenya waxay u baahantay inay heshiis iskaashi la gasho Somaliland” ayay tidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed. Waxay intaa ku daray in arrimahani noqon doonaan meelaha ugu horeeya ee uu ka bilaaban karo iskaashiga labada dal.
Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ayaa bilowday xili hore, hase ahaatee warbixintan oo ay baahisay Chamsmedia waxay xustay in dananaynta Kenya ee iskaashi ay la samayso somaliland uu bilaabmay xiligii uu Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arimaha Dibada ahaa oo uu hawlo shaqo u tegay dalka Kenya. warku wuxuu intaa ku daray in inkastoo Kenya aya si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka furan doonto xafiis qunsuliyadeed Hargeysa, haddana ilaa hadda aanay u dirin wakiilkeeda halkaa, halka Somaliland ay wakiil ku leedahay Kenya.
Geesta kale Dawladda Soomaaliya ayaa u hakisay diyaaridihii Jaadka ka keeni jiray Kenya iyo jaadkiiba sababo la xidhiidha hinaase diblomaasiyadeed, isla markaana waxay dawlada Somalia ku eedaysay Kenya, wax ay ugu yeedheen soo dhawaynta qaddiyada Somaliland oo dhaawacaysa midnimada Soomaaliya.
Hore ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ugu dhawaaqay in Somaliland mudan tahay in la aqoonsado, isla markaana waxa jiray socdaalo ay Somaliland ku yimaadeen masuuliyiin, Xildhibaano iyo ganacsato, kuwaasoo salka ku hayay sahaminta suuqyo cusub oo ay Kenya u hesho bucshuradaha ganacsi ee dalkeeda sida Jaadka, oo Somaliland ka mid tahay suuqyada ugu waawayn ee loo iib keeno, balse aanuu imanin Jaadka Miirooga loo yaqaano ee Kenya, ka keliya ee yimaadaanna uu yahay Hereriga Itoobiya.

Comments are closed