Uncategorized

Furitaanka Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland Iyo Nuxurka Khudbad Madaxweyne Ku Xigeenku ka Jeediyey DAAWO

Boorama 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha qaranka ayaa Magaalada Boorama kaga qayb galay Ciyaarta Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland.

Khudbad dhinacyo badan leh oo Madaxweyne ku Xigeenku ka Jeediyay Bilowga Tartanka ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii 1aad lagu qabto Magaalada Boorama Tartanka Ciyaaraha Gobolada taas oo Wax weyn ka taraysa ayuu yidhi is dhex galka bulshada waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay Shacabka Gobolka Awdal inay si Milgo leh u soo dhaweeyaan Xulalka ay Martigeliyeen.
https://www.youtube.com/watch?t=1&v=WZJ-deVNySQ