|

Qiso Xanuun Badan oo Sucuudiga Ka Dhacday Waa Nin Qudha Ka Jaray Hooyadii & Walaashii & Laba Carruur Ah Oo Uu Abti U Ahaa !

Riyadh 21. July 2017 (SDN/QJ):- Isticmaalka maandooriyayaasha kala duwan ayaa ah mid aad ugu dhex faafay Dadka ku nool Dalkaasi Sucuudiga gaar ahaan Da’yarta, haddaba waxa dalka Sucuudiga ka dhacday dhacdo aad u naxdin badan oo ka yaabisay guud ahaan dadka ku nool Magaalada Madiina.

Nin Da’diisu tahay 30 jir ayaa waxa uu qudha ka jaray Hooyadii iyo Walaashii iyo laba carruura oo ay walaashi dhashay oo ku sugnaa gurigooda, ninkan ayaa la cadeeyay in markii uu falkaasi ku kacay uu sirkhaansanaa, arrinta kale ee aadka u layaabka badan ayaa aheyd in uu isagu laf ahaantiisa war galiyay Ciidanka Bileyska una sheegay in markii uu gurigooda ku soo noqday uu arkay hooyadii iyo walaashii iyo carruurtii oo meyd ah.

Xasan Al-qaxdaani oo ah taliyaha haysta Saldhiga Bilayska ee uu ninkaasi tagay ayaa xaqiijiyay markii Bilaysku raaceen ee goobtaasi la tagay uu kala hadlay sidaasina ay ku caddaatay inuu isagu falkaasi geystay, dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa ay had iyo jeer ku kacaan Dadka Maandooriyaha isticmaala ee ku nool dalkaasi Sucuudiga, waxaana falalka nooca oo kale ah loo aaneeya arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha.

Comments are closed