Uncategorized

Gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo sarkaal boolis ka noqotay dalka Mareykanka.

St.Poul:02-March-2014(SDN)-Dalka Maraykanka ayaa Markii Ugu Horraysay waxa Derejo Sare oo Ciidamada Booliska ah la Siiyey Haweenay Somali ah.

Khadra Maxamed Oo ah haweenay Dhallinyaro ah ayaa Si Rasmi ah uga Mid Noqotay Saraakiisha Booliska Magaalada St. Paul, ee dalka Mareykanka, waxana ay Hormood u noqotay Haweenka somalida ah oo aan hore ciidanka Maraykanka Heerkaas ka Gaadhin.

Marwo Khadra  ayaa munaasibadii Xilkan loogu magacaabay ka Sheegtay inay Ku faraxsan tahay Heerka ay Gaadhay, iyadoo Ballan ku qaaday inay Haween Badan oo Somaliyeed ku soo Riixi Doonto inay Halkeeda oo kale Gaadhaan.

Xaflad shalay gelinkii dambe ka dhacay magaaladaasi ayaa Khadra loogu ogolaaday inay xidhato xijaabka iyo astaanka ciidanka booliska dalkaasi, iyadoo sarakiisha kamid ah, waxana ay Arrintaasi ku Abuurtay Farxad iyo dareen gaar ah dhammaanba dadka Somalida ah ee Halkaas ku Nool gaar ahaan Haweenka.

Bishii December sanadkii lasoo dhaafay waaxda booliska ee Edmonton ayaa ansixayay in saraakiisha booliska ah ee muslimka ay xidhan karaan dharka xijaabka ah ee loo diro astaamaha booliska magaaladaasi.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay 2004 waxaa magaalooyinka dalka Mareykanka ka dhacayay xaflado dad Soomaali ah ay kamid noqonayeen ciidamada booliska ee dalkaasi mareykanka.

 

Khadra Mohamed ayaa ku dhalatay dalka Kenya iyadoo qeyb kamid ah nolosheeda ay ku qaadatay magaalada iminka ay sarkaalkabooliska ka tahay, waxaana hooyadeed ay ka qaxday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyagoo ku noolaa xerada qaxootiga dalka Kenya ka hor inta aysan mareykanka gaarin.

Dhammaanba Somalida ku Nool Magaalada Khadra ku Nooshahay iyo Kuwa Maraykanka Guud ahaan Ku Nool ayaa si weyn ula Dhacsan Horumarka ay Khadra Samaysay, waxana ay u soo Dirayaan Hambalyooyin Badan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com