Uncategorized

Jamaal Cali Xuseen:waxa jira hadalo ka soo yeedhay dad u dhawdhaw madaxtooyadda oo sheegaya in la doonayo in lagu darsado

Hargeysa Mar 02,2014(SDN)-Murasha jaggada Madaxtinimadda ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid,ayaa Weraysi gaar ah  oo uu siiyay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbajoogta mar uu Safar usii baxayay oo aanu khadka Telafanka ku helnay uu kaga waramay waxa uu daaranyahay waalaca ay ka muujinayaan suura-galnimada mudo kordhin loo sameeyo Doorashooyinka Maxatooyadda iyo Wakiiladda oo loo balansanyahay in la qabto badhtamaha Sannadka inagu soo foolka leh ee 2015-ka.

Waxaana uu sheegay in hadaladaasi ka kasoo yeedheen dad madaxtooyadda ku dhaw dhaw,ayna Xukuumadda ugu baaqayaan inay doorkeeda ka ciyaarto si Doorashaddu ay Wakhtigeedii ugu qabsoomi lahayd oo aan cidna lagu halayn.

Waxa kale oo ka hadlay Md. Jamaal Cali Xuseen bal sida uu u arko eedo uu dhawaan Saxaafadda u mariayay Afhayeenka Madaxtooyaddu.waxaana uu sheegay inay yihiin dad shaqadoodu tahay uun in la yidhaa kolba qofkii Dawladda dhaliileheeda sheega u jawaab.isla markaana aanay isku mansab ahayn.sidaa darteena aanu wax jawaab ah siinahayn.

Wareysigan oo uu sidoo kale kaga hadlo doorka Mucaardanimo ee Xisbiyada Mucaaradka ah,aragtidii ku aadan bal farqiga u dhaxeeya Ucid-dii hore iyo tan uu maanta Musharaxa Madaxtinimo ka yahayba waxaa uu dhacay sida tan:

 S:Maxaa sababay Inaad wakhtigan ka sii qaylisaan kalsooni-darro aad ka qabtaan doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta?

J: “  Adeer,kamaa naan Qaylin.laakiin waxaanu sheegnay inay Doorashaddu wakhtigii loo cayimay ay ku dhacdo.waxa jira hadalo ka soo yeedhay dad u dhawdhaw madaxtooyadda oo sheegaya in la doonayo in lagu darsado( muddo kordhin la sameeyo).waxa kale oo aanu doonaynaa inay ay Dawladu doorkeedii qaadato.doorkaas oo ah door firfircoon oo muuqda.wax jirta in mat walba carqalad lasoo dhex galinayo.anagu taas ayaanu ka hadlaynay.anagu maanaan odhan kalsooni-daro.laakiin waxaanu sheeganay inay wakhtigeedii Doorashaddu ku qabsoonto”.

S:Dhawaan Afhayeenka Madaxtooyadu dhaliilo ayuu kuu jeediyey, Maxaa ka jira dhaliilahaas?

J: “ Dawladda markasta oo laga hadlo,mid iska daba-kayeedhaa hadla.ma ahaato ka Afhayeenka  ha noqoto ama kan Maaliyadda ka ah Wasiiru dawlaha.markaa waa dadkaa ay shaqadoodu ku xidhantahay in la yidhaa hebel u jawaaba.umana jawaabayo oo dee maaha dad aanu isku mansabnahay”.

S:Doorkii Mucaaradnimo ee Xisbiyadu inuu sidii la rabay ka hooseeyo ayaa muuqata, sideed isleedihiin ku waajaha inaad sharciga ku soo dabbaashaan xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ahaan jiray Mucaaradkii ugu weynaa dalka wakhtigii dawladdii UDUb?

J: “ taasi waa qofkasta fikadiisa.adigu imika sidaas baad ileedahay oo ah Mucaaradnimadiinii wey hoosaysaa.anagana waxa lana leeyahay Basha qaboojiya oo bal hoos u dhiga.waxaad moodaa in Dawladu markii ay mucaaradka ahaydna ay mucaarad xag jir ah ay ahayd.oo xataa waxyaabaha ay samayn jireen argagax laga qaadi jiray.imikana marka ay meeshii fuuleen ay adkaysan kari la’yihiin.anagu ilaa imika ma baanaan gaadhin iyagu halkay mucaaradnimadda ka gaadheen hadana waa kuwaa xamili la’”.

S:Maxaad Isleedahay way ku kala duwan yihiin, UCIDD-dii hore iyo UCIDD-da maanta ee aan Murashaxa Madaxweyne u tahay?

J: “ adeer,dadkuun baa isbedelay ‘e wali Ucid waa sidii uun. Ucidii la yaqanay waa Ucidii la yaqaanay.dakuun baa isbedela ee Xisbigu isma badelo”.