Abu dhabi:02-March-2014(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Habeenkii xalay booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Ra’isal wasaaaha ayaa Haatan ku sugan Magaalada Abu Dhabi ee Xarunta u ah Dalkaasi, waxana la Filayaa inuu Dhawaan La Kulmo saraakiil ka Tirsan Dawladda Imaaraadka.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waftiga Ra’isalwasaaraha ayaa waxa Si Diirran u soo Dhaweeyey Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey.
booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, isagoo kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
