Uncategorized

Go’aamo laga Soo Jeediyay Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida

Hargaysa 20.Jan 2014 (SDN)- Golaha Guurtida ee jamhuuriyadda somalialnd ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Md:Cabdi raxmaan sheekh Yuusuf Shekh Madar ayaa mudanayaasha waxay warbixin ku saabsan arrimaha Nabdagalyada dalka,  kaga dhagaysteen Guddi hoosaadka  Guddida Nabadgalyada iyo Difaaca Qaranka .

Gudida Joogtada ah ee GuurtidaGudoomiyaha Guddi hoosaadka  Guddida Nabadgalyada iyo difaaca qaranka Xildhibaan Caydiid Cabdi maxamed ayaa  shaaca ka qaaday inuu maanta dalku nabad yahay ,waxaanu Gudoomiyaha Guddi Hosaadka Guddida nabadgalyadu iyo difaaca qaranku amaan balaadhan usoo jeediyey waftiga uu hogaaminaayey wasiirka wasaradda arrimaha guduhu ,iyo guud ahaan  xukuumadda oo uu ku tilmaamay in ay dadaal adag ugu jirto horumarinta dalka iyo adkaynta nabadgalayada guud ee dalka

Ku xigeen ka xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi oo isna mudanayaasha la hadlaayey ayaa sheegay inay Giddidani nabadgalyadu doodihii ay  mudanayaashu ka yeesheen ajandahooda kalfadhiga 52naad ee Golaha Guurtida oo ay ka soo  saareen toddoba qodob oo ay ka mid  yihiin ku dhaqanka sharciga ee dhamaan hay-adaha dowladda ,kaasoo  ilaalin guud u ah nabadgalyada dalka.

waxaa  kaluu tilmaamay ku xigeenka xoghayaha guud in Guddidani nabadgalyadu qodobada ay soo jeedinaayeen ay ka mid tahay sidii maxkamadaha dalka iyo Guddida garsoorka  wax  uga qaban lahaa kiisasaka muddo dhaafay ee horyaaala  maxakamadaha dalka,waxaanay Guddidani nabadgalyada iyo difaaca qaranka ee Golaha Guurtidu codsanaayeen in la abuuro xeerkii dhaqanka oo ka hortagi doona burbur ku yimaada bulsho weynteena .

Guddida ayaa soo jeediyay Ilaa todoba qodob ay sheegeen inay yihiin arimo dhibaato ku ah amaanka wax ka qabashana u baahan.guddida waxay sheegeen inay soo ururiyeen Macluumaad amaanka la xidhiidha oo qaarkood goluhu soo jeediyay markii uu ka doodayay Arimaha Amaanka islamarkaana ay ku soo koobeen todobadan Qodob:-

1.In la ilaaliyo ku dhaqanka Shuruucda wadanka dhamaanteed, gaar ahaan Hay’addaha dawladu ku dhaqmaan sharciga si ay tusaale ugu noqdaan Shacabka intiisa kale.

2.In Garsoorka iyo Maxakamadduhu si dhakhso ah uga go’aan gaadhaan dhamaystirka Dacwadaha faraha badan ee inta badan horyaalay Maxakamadaha . Taas oo haddii la fuliyo wax badan ka qabanaysa tabashada caddaaladda nabad galyada guud.

3.In dhakhso loo abuuro xeerka dhaqanka, kaasi oo ka hor tagi doona Burbur ku yimaada bulshada. Waxaanu soo jeedinaynaa inuu xeerka dhaqanku muhiim u yahay Nabada.

4.In Arimaha dhulka loo raaco, xeerkii dhulka ee Xeer lambar 17 ee soo baxay 2010-kii

5.Khayraadka dabiiciga ah, sida Macdanta Batroolka, gaasta iyo wixii la mida waa in sharci loo sameeyaa lagu dhaqo, si aanay iskugu dhinicin Hay’addaha ku shaqada leh iyo Bulshadu.

6.Dilalka iyo qulqulatooyinka Beelaha ka dhex jira wax laga qabto maadaama oo ay kordhinayaan dilalkii hore oo aan waxba laga qaban.

7.In Saxaafadda iyo Habdhaqankeeda lagu Ilaaliyo Xeerka, waana in Saxaafaddu ka waantowdo oo joojiso kor u qaadista Qabyaalada iyo kala qaybqaybinta Bulshada.

Gabogabdii fadhiga mudanayaasha qaarkood ayaa talobixn ka soo jeediyey warbixintii ay Guddidani ka horjeediyeen ,waxaanay mudanayaasha badankoodu soo jeedinaayeen sii loo dardar galinlahaa Guddi Hoosaadyada Golaha Guurtidi sidii ay uga howl galilahaayeen Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com