Uncategorized

“Waxaa laga Wada Hadlay Sidii uu Faransiisku Taageero Dhaqaale iyo Mid Siyaasi u Siin lahaa Somaliland” Ka Daawo Qurbejoog.com Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo

Paris 20.Jan 2014 (SDN)- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Ku Sugan Magaalada Paris ee Xarunta Wadanka Faransiiska ayaa maanta Si rasmi ah u Guda Galay Hawlihii Shaqo ee ay u tageen dalkaas.

Shirarkii Maanta Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Xubin ka ah Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa Ka Warbixiyay Waxyaabihii u Qabsoomay Waxaanu Sheegay in Kulamadii Hordhaca ahaa ee ay labada dhinac yeesheen ay ku falanqeeyeen Sidii Faransiisku Taageero Muuqata u Siin lahaa Somaliland iyo Maalgashi ay ku Sameeyaan dekeda Berbera.

Paris SDN.

Qurbejoog.com