Uncategorized

Gobolada Maroodi Jeex Iyo Xaysimo oo Ka Guulaystay Gobolada Buuhoodle Iyo Badhan Iyo Kulamada Beri oo Arbaca ah DAAWO

Burco 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xulalka Goboladda Maroodi Jeex,Buuhoodle, Xaysimo iyo Badhan ayaa maanta Ku kulmay Ciyaaraha Is reeb reebka Gobolada Somaliland ee Ka socda Magaalooyinka Boorama iyo Burco.

2356Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ayaa Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Magaalada Boorama waxay ku Yeesheen Ciyaar adag oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis iyadoo labada Xulba soo bandhigeen ciyaar wanaag isla markaana ay u Muuqatay kuwa is ceshanaya Mid kastaana ku dadaalayay sidii uu Guusha ula caraabi lahaa, Gunaanadkii Ciyaartaas ayaa ku soo dhamaatay 3 Gool oo Guushu ku raacday Gobolka Maroodi Jeex iyo Xulka Buuhoodle oo la Yimid 2 Gool.

LABAA
X&BDhinaca Magaalada Burco-na waxaa ku Kulmay Garoonka Alamse Studium Xulalka Gobolada Xaysimo iyo Badhan, Gobolka Xaysimo oo ay u ahayd markii kowaad ee ay ka qayb galaan Tartanka,Waxayna Labada Xul Garoonka la soo galeen hanaan Ciyaareed farsamadiisu Sarayso hasa yeeshee Xulka Gobolka Xaysimo ayaa si xarago le hula caraabay Guushii kadib markii ay 2 Gool Iyo Eber kaga badiyeen Xulkii Gobolka Badhan.

XAYSIMO & BADHANSanaag Iyo Saraar ayaa Maalinta beri ah ku wada ciyaari doona Magaalada Burco halka Magaalada Booramana ay isku arki doonaan Xulalka Selel Iyo Gebilay.


Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com