Uncategorized

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Oo Qasrigiisa Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland+SAWIRO

Ireland 06 Oct 2015  (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud.  Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas  ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkan Ireland.

 

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland  Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland,  waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen  ahaa uu u dhaxeeyo  labada Waddan  iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub,  kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen.  Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga  oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna  kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

 

Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo  Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay  taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.

12064267_10153649114103535_1222075572_n 12064267_10153649188478535_1603185758_n 12064423_10153649123223535_252455390_n 12064446_10153649189968535_1203902347_n 12064499_10153649118558535_58731110_n 12064502_10153649122163535_350922217_n 12064513_10153649131623535_1761093746_n 12067175_10153649187158535_1974240779_n 12067214_10153649187293535_1846292598_n 12067258_10153649132643535_1105196567_n 12067318_10153649113568535_1086509634_n 12067415_10153649118188535_1166702174_n 12067961_10153649113548535_1693850316_n 12068028_10153649125628535_856762818_n 12071363_10153649131588535_703791506_n 12071405_10153649126023535_572608158_n 12071435_10153649181283535_929936036_n 12071447_10153649118388535_1089366101_n 12071562_10153649204083535_1888319557_n 12071607_10153649122988535_113592774_n 12071712_10153649113068535_2116094960_n 12071728_10153649124483535_314657209_n 12076881_10153649188288535_1165214146_n 12076892_10153649183383535_1240072545_n 12076925_10153649189838535_2009156981_n 12076969_10153649188203535_1427658008_n 12077140_10153649114338535_59062952_n 12077165_10153649113878535_942218644_n 12077403_10153649186143535_1817253629_n 12077524_10153649182893535_1345495990_n 12080739_10153649186368535_1228633283_n (1) 12080782_10153649132098535_1479331400_n 12080789_10153649125848535_207738794_n 12080954_10153649121008535_38014706_n 12081351_10153649131688535_1886071272_n 12081353_10153649131313535_268201333_n 12081401_10153649112953535_2101414890_n 12081435_10153649122343535_86079529_n 12081554_10153649113048535_1861680074_n 12081605_10153649118908535_1189933558_n 12081607_10153649126568535_111164125_n 12083611_10153649124718535_310396052_n 12083878_10153649113738535_1579161625_n 12083909_10153649189328535_435865038_n 12083953_10153649113623535_1627457222_n 12083994_10153649126548535_2033862629_n 12084040_10153649122533535_972333608_n 12084085_10153649113163535_164769967_n 12084238_10153649114153535_795785534_n 12086843_10153649113438535_1110298341_n 12086872_10153649114763535_535644207_n 12087353_10153649123293535_1222282670_n 12087384_10153649125228535_1544675655_n 12087560_10153649182978535_419554325_n 12087606_10153649186033535_462868296_n 12092237_10153649123348535_70413861_n 12092288_10153649184743535_2103208683_n 12092326_10153649131968535_227472420_n 12092391_10153649133508535_704515220_n 12092475_10153649113088535_1188842539_n 12092504_10153649119478535_80625383_n 12092515_10153649132888535_1096778609_n 12092642_10153649181463535_1571765263_n 12092677_10153649182728535_1780656950_n 12092763_10153649181678535_1904422826_n