Muqdisho 14.June (SDN) Kulan ay yeesheen golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo ah unugga ugu awoodda badan Qaramada Midoobey ayaa war kasoo saaray arrimaha Kismaayo.
War saxaafadeed nuqul ka mid ah uu soo gaaray Qurbejoog.com ayaa lagu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo wax kasta oo dagaalo ah oo halkaasi ka socda, lana damiyo xasarad kasta oo colaadeed.
Waxa dhamaan dhinacyadda is haya loogu baaqay in ay toos ola macaamilaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ku jirta sdii qorshe cad ugu dajin lahayd nidaamka federaalka Soomaaliya.
Golaha waxa ay taageereen dadaaladda ay waddo dowladda Soomaaliya iyo sida ay oga go’antahay nidaamka federaalka oo ku yimaada qaab wadatashi iyo shuruuc degen oo lagu kala dhaqmo.
Sidoo kale waxa ay golaha taageereen doorka ciidamada AMISOM oo ay ugu baaqeen in aysan marnaba ogolaanin cid kasta oo amaanka qalqal galineysa.
Ugu dambeyntii golaha waxa ay ku baaqeen in hardanta siyaasadeed uusan marin habaabinin ama diiradda ka leexinin dagaalkii lagula jirey Alshabaab.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
