Uncategorized

Xildhibaano Warbixin ay Soo Saareen Ku Muujiyay In Caleemo Saarkii Madaxweynayaasha Juba Land ay ahaayeen Kuwo Khilaafsan Distoorka

Nayrobi 14.June (SDN)  Koox xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kusoo bandhigey warbixin ay ka diyaariyeen goboladda Jubbooyinka iyo Gedo kadib markii magaalada Kismaayo ay ku tageen iyagoo wafti xaqiiqo raadin ah.

Xildhibaanada warbixinta soo bandhigey ayaa kala ah Xildhibaan Maxamuud Guure, Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, Xildhibaan Carab Ciise, Xildhibaan C/laahi Goodax Barre iyo Xildhibaan C/laahi Jaamac.

Hadaba Shir balaaran oo ay warbixinta kusoo bandhigeen ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan safiiradda wadamada aduunka kuwooda ugu muhiimsan ee Nairobi ku sugan, kuwaasoo warbixinta loo qeybiyey, isla markaasina dhagaystey hadalo kala duwan oo halkaasi laga jeediyey.

Qodobka ugu weyn ee warbixinta ku xusnaa ayaa ahaa in shirkii Kismaayo ka dhacay ee lagu doortey Sheekh Axmed Madoobe iyo waliba dadkii kale ee iyaga madaxweynenimada isu magacaabay ay yihiin waxyaabo dastuurka ka taloowsan.

Waxa ay sheegeen in dastuurka uu qabo in dadka dega labbo gobol iyo ka badan ay isu imaadaan, islamarkaasina dhistaan maamul goboleed, balse waxa dhacay ay ahayd in ay isu yimaadeen beelo isa soo heebsaday oo kala dega goboladda Jubbooyinka iyo meelo ka baxsan goboladda maamulka loo dhisayo, taasi oo uusan dastuurka qabin.

Waxa kale oo ay warbixinta ku sheegeen in markii ay xog waraysteen dadkii Kismaayo deganaa ay sheegeen in aysan taageersanayn waxa lasoo dhisey, islamarkaasina doonayaan in dowladda Soomaaliya ay arrinka soo dhexgasho, islamarkaasina iyada hormuud ka noqoto wax kasta oo la samaynayo.

Waxa warbixinta ku sheegeen in dastuurka uu caddaynayo in maamul kasta oo Soomaaliya laga dhisayo in ay dowladda abaabusho, hormuudna ka noqoto maadaamaa ay tahay tan kaliya ee dadku wada dhisteen ee lagu wada kalsoonyahay, arrintaasina ahayd wax meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay u egtahay in markani dagaalka iyo hardanka arrimaha Jubbaland uu isugu biyo shubanayo beesha caalamka, dastuurka oo fasiraado kala duwan laga qabo iyo waliba olole xagga dublamaasiyadda ah, iyada oo maalin kasta ay soo baxayaan talaabooyin cusub.

Nayrobi SDN.

Qurbejoog.com