Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa ansixiyey xubin cusub oo ku soo biirtay golaha iyo labo xubnood oo ka mid noqon doonna gudiyada cadaalada iyo xuquuqul insaanka Qaranka.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa mudanayaasha ka hor akhriyey warqad ay u soo gudbisay maxakamada sare J S L oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha maxkamada sare Md Yuusuf Ismaaciil Cali, taas oo ku saabasan dhaarinta xubin cusub oo ku soo biirtay golaha wakiilada warqqduna waxay xusaysay qodobka 129 ee dastuurka qaranka JS L.
Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sheegay in Md Axmed Faarax Cali oo ah xubinta cusub oo ku dhaartay hortooda laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 14/01/2014 sidaasna uu kaga mid yahay mudanayaasha golaha wakiilada J S L.
Geesta kale waxa fadhigaasi ansixiyeen laba xubnood oo ka mid noqon doona gudiyada cadaalada iyo xuquuqul insaanka qaranka,xubinta xuquuqul insaanka qaranka oo madaxweynaha JS LMd Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo )ku soo magacaabay digreeto madaxweyne, Md Yuusuf Cabdi Aaden waxa cod gacan taaga u qaaday mudanayaasha waxaana ogolaaday 37 mudane halka ay uu ka diiday hal mudane islamrakaana ay ka aamuseen 3 mudane gudoomiyuhuna aanu cadayn sidaas ayayna ku ansaxday xubintaasi kaga mid noqday guddida xuquuqul insaanka qaranka
waxa kale oo ay mudanayaashu codgacantaaga u qaadeen Fawsi Maxamuud Cali kaas oo ay ogolaadeen 37 mudane isalamrkaa ay ka aamuseen afar mudanae cid diidayna aanay jiri , gudoomiyuhuna aanu codayan sidaana uu ku ansaxay kagana mid noqday gudida cadaalada .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
