Uncategorized

Gollaha Wakiilada Somaliland oo gacanta la isula tegay iyo mudeneyaal ku dhaawacmay

Hargeysa Dec10,2013(SDN)-Mudeneyaasha gollaha wakiilada Somaliland ayaa weli aan ku qanacsaneyn isku shaandheyntii dhawaan lagu sameeyay guddi hoosaadyada gollahaasi.

Dood ay arinkan ka yeesheena waxa ka dhashay gacan ka hadal ay ku waxyeeloobeen laba ka mida mudeneyaasha gollaha wakiilada ee Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin iyo Ibrahim Jaamac Reyte ayaa gacan isula tegay maalinimadii Axadii ka dib kolkii dooda guddi hoosaadyadii cusbaa ay gaadhay heer gacmo la isku weydaarsado.

Labada Mudane ayaa wax isku dhaca ka soo gaaray dhaawacyo aan khatar ku aheyn noloshooda  balse kala culus.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa dhaawac ka soo gaaray garabka ka dib kolkii uu guddoomiyaha guddida Difaaca iyo arrimaha guddaha ee gollaha Wakiilada Ibraahim Rayte uu ku dhuftay laptop.

Sidoo kale waxa isna dhaawac uu soo gaaray xildhibaan Reyte oo faraha ay waxyeelo ka gaadhay.

Dhaawacyada ayaan labadaa xildhibaan ku koobneyn waxase isna la sheegay in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka ka dhacay Gollaha Wakiilada ee Somaliland.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com